Kooxda Xiddigaha Geeska Oo 24-guurada Xuska 18 May La soo Dabaal-degaya Jaalliyada Reer Somaliland ee Sweden

Hargeysa (SLpost)- Kooxda Fannaaniinta Xiddigaha Geeska, ayaa la filayaa inay safar ugu baxaan waddanka Sweden, halkaas oo ay jaaliyadda Somaliland ee dalkaas ku sugan kala qayb-gali doonaan dabbaal-degga xuska 24-guurada munaasibadda 18-ka May oo ah maalinta madax-bannaanida Somaliland.

Safarka Kooxda Xiddigaha Geesku ku tagayaan Qaaradda Yurub, ayaa ka dambeeyey Marti-qaad ay ka heleen Jaaliyadda Reer Somaliland ee Sweden.

Xidiggaha GeeskaGuddoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska Xasan Saleebaan Dhuxul, ayaa maanta la kulmay  Mikael Torstensson, oo ah muwaadin u dhashay dalka Sweden oo u ololeeya qadiyadda aqoonsi -raadinta Somaliland, waxaanu sheegay inay ka wada hadleen sidii uu kooxda uga gacan siin lahaa horumarinta fanka iyo doorka wacyigelinta ee ay ku leeyihiin bulshadda dhexdeeda.

Geesta kalena  saraakiil ka tirsan madaxda jaalliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka Sweden, ayaa dhawaan sheegay in kooxda xidigaha Geesku ay sannadkan jaaliyadda Sweden kala qeyb geli doonaanmunaasibadda 24-guuradda ka soo wareegtay, dib ula soo noqoshadda madax-banaanida Somaliland.

Kooxda Xidigaha GeeFsku waa  koox fanaaniin ah oo saamayn weyn ku yeeshay guud ahaan fanka Somaliland iyo ka mandaqadda  Geeska Afrika oo dhan, ka dib markii ay door weyn ka qaateen horumarinta waddaniyadda, wacyigelinta bulshadda ee dhinacyadda horumarinta iyo tahriibka

Somalilandpost.net