Qaar Ka Mid Ah Madax-dhaqameedka Subeer Awal Oo Taageero U Muujiyay Golaha Guurtida

‘Waxaan Leeyahay Golaha Guurtida Saddex Jeer Oo Horeba Waad Kordhiseen, Maatna Xaq Baad U Leedihiin’

Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle

‘Guurtideeni Lama Taabtaanka Ahayd Ninka Maanta Leh Uma Arriminayaan Qaranka Waa Cadaw Ina Dhex Fadhiya

Chief Caaqil Aw Daahir Aw Xuseen

‘Golaha Guurtidu Waa Marjaca Aynu U Noqono Ee Dalkeenu Uu Ku Soo Dhisnaa Intaas Oo Dhan Nacasna Loo sheegi Maayo’ 

Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoorre

‘Waxaan Leeyahay Golaha Guurtida Saddex Jeer Oo Horeba Waad Kordhiseen, Maatna Xaq Baad U Leedihiin’

Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle

‘Xukuumadda Somaliland Inaga Ayaa Dooranay, Wax Bandanna Way Qabteen Ee Ku Sima Ayaan Leeyahay’

Suldaan Cismaan Sheekhh Ibraahin

“Guddoomiyaha Golaha Guurtida Waxaan Leeyahay U Tun Yeelo Wixii Qadaf Ah Ee Kaaga Yimaada Ummadda” 

Suldaan Xiis Barre

Hargeysa (SLpost)- Salaadiinta, Cuqaasha iyo waxgaradka beelaha Subeer Awal ayaa taageero buuxda u muujiyay golaha guurtida Somaliland, waxaanay sheegeen in golahaasi yahay cidda kaliya ee sharci darsuuri ah u leh muddo kordhinta wakhtiga doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiillada Somaliland.20150502_102916

Shir ballaadhan oo ay shalay isugu yimaadeen Salaadiinta, Cuqaasha, aqoonyahanka iyo waxgaradka beeshaasi oo lagu qabtay hoteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, ayaa laga soo saaray go’aamo lagu taageerayo golaha guurtida Somaliland oo wakhtigan ay hor taalo go’aan ka gaadhista muddo kordhinta doorashooyinka madaxtooda iyo wakiillada, waxaanay caddeeyeen in ay ayidayaan go’aan kasta oo ka soo baxa golaha guurtida.

Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle oo ugu horrayn kulankaasi ka hadlay ayaa a sheegay in golaha guurtida Somaliland uu muddaba saddex jeer oo hore ay u kordhiyeen muddada xukuumadihii hore ee Somaliland, maantana ay xaq u leeyihiin in ay wakhtiga u kordhiyaan xukuumadan, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay golaha guurtida saddex jeer hore ba waad kordhiseen, maatna way idin hor taalaa oo xaq baad u leedihiin.”

Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle waxa kale oo uu intaa ku daray “Xukuumadana waxaan leeyahay anaga ayaa idin dooranay oo kursiga idin fadhiisinay, muddadii haddii ay idinka dhamaatayna anaga ayaa idin dooranayna mar labaad, cidda meel ka hadashayna waa nin iska hadlay, waxaanan leeyahay iska hadlow inaga Igarre.”20150502_103000

Suldaa Jaamac Cismaan ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Golaha Guurtida yaan la hor cararin, Guurtida yaan la cadho galinin, guurtida yaan la hor cararin. Somaliland intii ay jirtay, afar iyo labaatan kaa sannadood Guurtida ayaa dhidibada inoo aastaay , maanta miyay qabataa golaha guurtida in la hor ordo oo la yidhaahdo ma hadli kartaan oo ma kordhin kartaan.”

Suldaan Cismaan Sheekhh Ibraahin ayaa isaguna madashaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Dawladani intii ILLAAHAY u qoray way joogaysaa, inaga ayaana dooranay, wax bandanna way qabteen ee ku sima ayaan leeyahay. Waxanynu ku dedaalaynaa hadaynu reer Somaliland nahay nabadda iyo xasiloonida, Somaliland-na waa isku dan. Guurtiduna waa odayaasheenii waynuna ayidaynaa go’aanka ka soo baxa.”

Suldaan Xiis Barre ayaa madashaasi hadal ka jeedisyay isaguna waxaanu yidhi “Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan waxaan leeyahay u tun yeelo wixii qadaf ah ee kaaga yimaada ummada, gaar ahaan beeshayada wixii kaaga yimi ee khalad ah waan kaa raali gelinayaa, waxaan leeyahay qolada reer Maroodi Jeex gogol baynu nahaye aynu garano qiimaha gogoshu leedahay.

Guurtida Somaliland inaga ayaa dooranay, waa inta aynu umadaha kale dheernahay waynu ayidaynaa, waxaanan la qabaa cuqaasha iyo Salaadiinta kale ee meesha ka hadashay, mucaaradkana waxaan leeyahay waa Somaliland-ne waxaan leeyahay u samra kursiga, Siilaanyaba in badan ayuu u samraye.”20150502_105415

Suldaan Cismaan Sheekh Cali Kooshin oo gabagabadii goobtaasi ka hadlay ayaa u guddoomay dhamaan salaadiintii iyo caashii halkaasi ka hadashay, kuna dhawaaqay in go’aanka beesha Subeer Awal uu yahay kan maanta.

Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Sudaa Cismaan Sheekh Ibraahin, Ugaas Cabdillaahi Xawaareeye, Suldaan Maxamed Siciid, Suldaan Xuseen Aw Muuse iyo Suldaan Cali Saleebaan waxaanay dhamaantood sheegeen in ay si buuxda u taageerayaan go’aan kasta oo ka soo baxa golaha guurtida Somaliland, waxaanay dhamaan bulshlo waynta Somaliland u soo jeediyeen in ay ilaalilyaan nabad aiyo xasiloonida qaranka Somaliland.

Caaqil Axmed Faarax Diiriye ayaa isaguna madashaasi ka hadlay, waxaanu sheegay in dhamaan ba golayaasha sharci, hadday taay guurti, xukuumad iyo goloyaal kaleba ay tahay dawladnimadeenii inta badan tacabku inagaga jiray ee aynu ka hantinay ee kala soo hadhnay rajiimkii Siyaad Barre.

Caaqil Axmed Faarax Diiriye “Guurtideena inagaga ayaa sharci u siinay in ay marxalad kasta oo timaada ay inaga tumaatiyaan oo ay inooga gurmadaan, maanta ninka leh sharcigii aynu siinay ee dastuurka ku qornaa in ay xaq u leeyihiin, ninka yidhi aniga ayaa ku qabsanaya waa nin aan habeen jirin, korodhsiimada cid ayaa xaq loo siiyay, ciddii ayaana gacanta ku hasya kana arriminaysa,”

Chief Caaqil Aadan Cabdillaahi  oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan garanayaa oo aan aad u soo dhawaynayaa, dawladnimadan maanta, wixii ay ku timi iyo sidii ay gacanteena ku soo gashay aynu garanayno, caawil, Suldaan iyo qof afmiishaar ah nina wax ma yeeli karo, qof iyo reer  jees ah nina wax ma yeeli  karo oo waxaa ka badan qiimihii ay inoogu fadhiday iyo qiimaha lagu dhistay ee rag ku heshiiyay ayaa ka badan, taasi ciddii ka naxnaxaysay hawlaha qaarkoodow intaa horta ku niyad samaada.”

Chief Caaqil Aadan Cabdillaahi waxa kale oo uu intaa ku daray “Nimanka Guurtida ah, waxaan anigu qallooc u haystaa oo aan khalad u haystaa  iyada oo aan waxba laga maqal oo aanay hadal waxa loogu sii dardaar warinaayo ee durbaanada loo sii tumaayo ayaan marka ugu horraysa khalad u arkaa, waxa loo sii hor-degayo ee loo sii gugujiayo khalad ayaan u arkaa.”

Chief Caaqil Aw Daahir Aw Xuseen ayaa isaguna munaasibadaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Dadkeena halkan maanta isugu yimi ee salaadiin iyo cuqaal leh, waxaynu nahay dad Subeer Awal ah oo jecel nabada Somaliland, dawladnimadeenana wax badani kaga jiraan oo tacab badani ka galay, sidaa awgeed ninka maanta leh ee durbaanka qaatay ee leh golayaal ma jiro guurtideeni lama taabtaanka ahaydna uma arriminayaan qaranka waa cadaw ina dhex fadhiya oo aan raali ka ahayn in qarankeena nabdoon, mana jirto meel ay isugu timi beesha Subeer Awal oo ay mawqif ku gaadhay, nimannka hanjabaayana waxaan leeyahay cagta u dhiga oo odayaashii aynu halkaa ku soo gaadhnay u daaya go’aanka.”

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Amiir Xasan Biixi Baaruud waxaanu yidhi “Waxa la yidhi waxa umusha u dan ah ayaa ilmahan u dan ah, markaa waynu wada ognahay danteenu waxa ay ku jirto ee aynaan iska indho saabin. Shirkii Burco ee dawladnimadeena aynu ku wada qaadanay ninka maanta wax keenaaya beeshu waa ka wada dhan, dhinac baana looga soo wada jeedaa.”

Amiir Xasan Biixi Baaruud waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxaan leeyahay waa niman yahaw lama wada taliyo, waxaynu samaysanay golahaas Guurtida ILLAAHAY khayr ha siiyee oo Somaliland badbaadadeeda mooyaane aan xumaheed ka shaqayn waana gole aynu inaga reer Somaliland ahaan ku kala badbaadna, kuwa maanta ilduufaaya go’aankooda iyo talintooda waxaanu leenahay waar ka daaya guurtidu ma gayaane, waxaan leeyahay reer Somaliland iyaga ayaa isu taliya oo dawladnimo samaystay iyo qarannimo, amaankoodan sugtay, markaa ninkii iyaga oo aan go’aanba soo saarin ribaynaya ee ka hor dhacaya waxaan leeyahay kulama socono oo nagamma turjuntid.”

Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoorre ayaa isaguna madashaasi ka hadlay “Guurtida nin rag ahi wuu garanayaa nacasna loo sheegi maayo, Golaha Guurtidu waa marjaca aynu u noqono ee dalkeenu uu ku soo dhisnaa intaas oo dhan,

Somalilandpost.net