Amnesty International Oo Walaac Ka Muujisay Tacadiyada Dawladdaha Bariga Afrika Kula Kacaan Warbaahinta

Geeska, (SLpost)- Sida ay sheegtay agaasimaha Amnesty International u qaabilsan bariga, geesa Afrika iyo gobolka harooyinka waaweyn Muthoni Wanyeki hay’addo warbaahineed ayaa weeraro toos ah kala kulmay xukuumaddo, iyadoo qaarna ay soo food-saartay cago-juglayn, halka qaar kalena la xidhay.Media

Agaasimaha ayaa waxay sheegtay in suxufiyiinta la iska xidho, la jidh dilo, laguna xukumo tuhunno la xidhiidha shaqadooda, waxay xustay inay arkeen weeraro qorsheysan oo ka dhan ah suxufiyiinta waqtiyada ay dhacayaan doorashooyinka.

Agaasimaha Amnesty International u qaabilsan bariga, geesa Afrika iyo gobolka harooyinka waaweyn waxay warbixinteeda ku sheegtay in dawladda Burundi ay ka hor istaagtay idaacado ku yaal waddankaas inay toos u tabiyaan banana-baxyo ka socday Bujumbura, xukuumadda Burundi ku eedeeysay warbaahintaasi inay sii kicinayeen banana-baxyada.

Waddanka Itoobiya waxay warbixintu sheegtay in dad ka hawlgala warbaahintu ay xilligan xidhan yihiin ama xukun ku dhacay iyaga oo maqan, sababo la xidhiidha shaqadooda.

Suxufiyiinta wargeysyada ee ka hawl-gala dalka Suudaan ayay warbixinta Amnesty International ay sheegtay inay la kulmaan xanibaado xaga sharciga ah oo adag.

Amnesty International waxay ugu baaqday dalalka Bariga Afrika inay xaqiijiyaan weriyeyaashu ay shaqadooda u gudan karaan si cabsi la’aan ah.

Somaliandpost.net