Aas-aasaha Wikileaks Oo Diiday Racfaan Ay U Ogolaatay Maxkamadda Sare Ee Dalka Sweden

Stockholm, (SLP)-  Asaasaha Wikileaks Julian Assange oo taniyo bishii June sannadkii 2012-kii magan-gelyo ahaan ugu nool safaaradda dalka Ecuador ku leeyahay magaalada London ayaa diiday doonis ay qareennada Sweden ku doonayaan inay wax ka waydiinyaan eedaymo la xidhiidha kufsi lagu oogay sannadkii 2010-kii, taasoo uu hore iskaga fogeeyay.

Mr Assange ayaa ku doodday haddii dalka Sweden loo dhoofiyo ay suuro-gal tahay in Maraykanku ku maxkamaddeeyo fadeexado uu hore wikileaks uga faafiyay dalkaas.Julian Assange

Racfaan uu hore u qaatay Julian Assange ayaa waxa diiday maxkamadda dalka Sweden sannadkii hore bishii November, balse maxkamadda sare ee dalkaas ayaa ku wargelisay imika  inay racfaankaas u ogolaanayso.

Ninkan oo 43 sanno jir ah, una dhashay dalka Australia ayaa muddo saddex sanno ah ku nool qol yar oo ka mid ah safaaradda dalka Ecuador ku leedahay magaalada London, isagoo muddadaas dalbanayay magan-gelyo siyaasaddeed inuu helo.

Julian Assange ayaa iska fogeeyay eedo kufsi ah oo ay u soo jeediyeen laba dumar ah oo uu kula kulmay bishii August sannadkii 2010-kii mar uu socdaal ku marayay dalka Sweden. Waxaanu ku dooddayaa inay qayb ka yihiin tabaha uu dalka Mareykanku la maagan yahay, dalkaas oo ay shabakadiisu ka faafisay fadeexado hor leh, isagoo soo bandhigay cadeymo badan.

Somalilandpost.net