Qaramada Midoobay Oo Cambaareeyay Weerarro Ay Gaza Ka Gaysteen Ciidamada Israel

New York, (SLP)- Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay ciidamada dalka Israel, ka dib markii ay todoba qof ku dileen weerar ay ku qaadeen dugsiyada Qaramamada Midoobay gacanta ku hayaan ee ku yaalla Gaza.Ban ki-moon

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in weeraradaas ay ciidamada Israel sameeyeen oo ay meelo badan ka fuliyeen ay ku dileen 44 reer Falastiin, halka ay dhaawacyo kasoo gaadheen 227 qof.

Sidoo kale, waxa uu sheegay Ban Ki-moon in weeraradaasi ay yihiin qaar aan la aqbali Karin.

“Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegayt  in saddex dugsi waxbarsho lala beegsaday hubka noocyadii calculus, hlkaasoo ay waxyeelo kazoo gaadhay arday tiro badan, isla markaana baabiiyay dhamaan dhismeyaashii dugsiyada.” sidaa waxa yidhi James Bays oo Al-jazeera uga soo warrama xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Somalilandpost.net