Al-sisi Oo Sheegay In Doorashada Baarlamaanka Masar Aan La Qabanayn Ramadaan Ka Hor

Qaahira, (SLP)- Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay in doorashada baarlamaanka ee dalkaas aan la qaban doonin Ramadaanta ka hor., mar uu shalay oo Isniin ah hadlayay.Sisi

Bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa ku eebagan bisha june ee sannadkan badhtamaheeda.

Sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee dalkaas ee MENA. Al-sisi ayaa sheegay in muhiimad weyn leedahay qabashada doorashada baarlamaanka Masar, islamarkaana loo baahan yahay in la dhamaystiro sharciyada iyo wixii lagu ilaalin lahaa, si  loo gaadho tubta nabada,

Doorashada baarlamaanka dalka Masar ayaa la filayay inay qabsoonto laba xilli, marka hore oo ahayd 22-ka iyo 23-ka bisha March, iyo xilliga labaad oo ahaa bishan April 26-keeda iyo 27-keeda.

Xilliga dambe ee loo qoondeeyay qabsoomida doorashada baarlamaanka dalkaas ayaa weli la sugayaa, iyadoo wax ka bedel lagu samaynayo sharciga doorashada.

Somalilandpost.net