Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Ugu Baaqay In Axadda La Isugu Soo Baxo Tukashada Salaad Roob-doon Ah

Hargeysa, (SLP)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacabka ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka dalka ku amray inay tukadaan salaad roob-doon ah maalinta axadda ee bishu tahay 26.

Madaxweyne Siilaanyo oo salaadii Jimce ee maanta qaar ka mid ah masuuliyiinta qaranka kula tukaday masaajidka aqalka madaxtooyada ayaa sheegay in shacabku isugu soo baxaan goobaha lagu cibaadaysto kuna oogaan salaada roob-doonta ah.

Madaxweynaha ayaa farriintiisan uu shacabka ku gaadhsiinayo inay tukadaan salaadda roob-doonta ah waxa uu u igmaday wasiirka diinta iyo aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, isagoo wasiirku ka hadlayana waxa uu yidhi. “Walaalayaal Illaahay haloo toobad keeno, dembi-daahfna hala weydiisto haloo diyaar garoobo salaadda roob-doonta ah dhamaan gobollada iyo degmooyinka dalka oodhan maalinta axadda sideedda subaxnimo aynu u baxno Illaahay aynu barino.”

Somalilandpost.net