Daladda Ururrada Xuquuqal-Iinsaanka Ee Dalalka Geeska Iyo Bariga Afrika Oo Xukuumadda Ugu Baaqday Inay Xoriyadiisa u soo Celiso Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal-Iinsaanka

ehahrdpHargeysa (SLpost) – Dallada kulmisa ururadda xuquuqal-iinsaanka ee ka jirra dallka geeska iyo barriga Afrika oo marka magaceeda lasoo gaabiyo la yidhaa (EHAHRD) ayaa bayaan ay galabta soo saarreen waxay xukuumadda Somaliland ugu baaqeen inay si degdeg ah xoriyadiisa ugu soo celiso guddoomiyaha xarunta xuquuqal-iinsaanka Guuleed Axmed Jaamac, kaas oo ay dawladu xabsiga u taxaabtay sabtidii dhawayd ka dib markii uu ka qaybgalay dood ay qabatay laanta afsoomaaliga ee BBC-du oo ku saabsanayd maxaabiis u xidhnaa falal dil ah oo todobaadkii hore lagu qisaasay Mandheera.

guddoomiyaha xarunta xuquuqal-iinsaanka mr Guuleed ayaa dooda dhexdeedii mar wax laga waydiiyey maxkamaddaha Somaliland siday u shaqeeyaan waxa uu ku tilmaamay inay ka heer-hooseeyaan kuwa caalamka.

Hadaba dallada EHAHRD oo ka hadlaysa xadhiga Guddoomiye Guuleed ayaa tafaasiil ka bixsay qaabkii loo xidhay iyo eedaymaha loo soo jeediyey oo u dhignaa sidan:- “Guuleed markii la qabtay waxa lagu xidhay xarunta CID-da ee Hargeysa, halkaas oo uu ku xidhnaa mudo 24 saacadood ah. Maalintii ku xigtay oo ahayd 19-kii bishan April 2015 Guuleed waxa loo qaaday saldhiga dhexe ee Bilayska ee Hargeysa, halkaas oo loogu sheegay in loo haysto dhaleecaynta garsoorka, isla maalintaas maxkamadii amarka xadhigiisa bixisay ayaa waxay dhagaysatay codsi ah in damaanad lagu sii daayo.

Inkastoo la sheegay in maxkamadu ogolaatay in damiin laga qaado, haddana Bilayska ayaa diiday in Guuleed lasii daayey iyada oo ay sida la sheegay ay xeerinayeen rafcaan uu ay xeer ilaalintu ka qaadatay go’aankii ay maxkamadu ku ogolaatay damaanada.

20-kii bishan waxa Guuleed loo dhaadhiciyey Xabsiga dhexe ee Hargeysa, halkaas oo la filayo inuu maalmo kale ku sii xidhnaado, iyadoon wax maxkamad la horkeenin. Sida uu qareenkiisu nasoo gaadhsiiyey Guddoomiyaha xarunta xuquuqal-iinsaanka ee xidhan waxa lala tiigsanayaa xeerkii habka ciqaalbta ee Somalia 1962-kii, gaar ahaan qodobadiisa 215, 321 iyo 326, kuwaas oo loo adeegsado dambiyada qaran-dumiska iyo kicinta dadwaynaha ee lagu mijo-xaabinayo xasiloonida iyo u hogaan-sanaanta qaynuunka”.