Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Lala Beegsaday Afaafka Hore Ee Hotel Central Ee Muqdisho

Muqdisho, (SLP)- Ugu yaraan 12-qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhashay gaadhi waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay oo duhurnimadii maanta ku qarxay afaafka hore makhaayad lagu magacaabo Banoda oo cunnada laga cuno oo kasoo horjeedda Hoteelka Central ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa la ogeyn dhimashada iyo dhaawaca rasmiga ah ee ka dhashay, iyadoo goobta uu qaraxu ka dhacay lagu arkayo dhiig badan oo daadsan, iyadoo ay halkaas gaadheen ciidammo fara badan oo kuwa dawladda Soomaaliya ka tirsan.Qarax_Muqdisho_ka_Dhacay (2)

Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa goobtaas lagu arkayay, iyagoo qaadaya maydadka iyo dhaawacyadii ka dhashay qaraxan oo firirkiisu ay gaadheen meelo fog, waxaana goobta ku sugnaa xilliga uu qaraxu dhacayay dad aad u fara badan oo qaarkood cuntaynayay.

“Waxaanu illaa hadda qaadnay maydadka 11-ruux iyo dhaawaca labaatameeyo kale, welina wuu socdaa gurmadkii aanu u fidinayay dadka ay dhibaatadu soo gaadhay,” ayuu yidhi mid ka mid ah darawallada wada gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho.

Sidoo kale, qaraxan ayaa dhacay xilli maanta aad loo adkeeyay ammaanka Muqdisho; mana jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, inkastoo qaraxyada Muqdisho ka dhaca ay inta badan sheegato Kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya.

Hotel Central ayaa bishii aynu soo dhaafnay waxaa ka dhacay qaraxyo sababay dhimashada iyo dhaawacyada xubno ka tisran dawladda federaalka Soomaaliya iyo shacab halkaas salaad ku tukanayay.

Ugu dambeyn, weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli toddobaadkii hore Al-shabaab ay ku qaadday weerar dhismaha wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 18-qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidamada AMISOM.

 

Somalilandpost.net