Komishanka Doorashooyinka Oo Madaxweyne Siilaanyo U Gudbiyay Xilliga Rasmiga Ah Ee Ay Doorasho Ku Qaban Karaan

Hargeysa, (SLP)-  Komiishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), u gudbiyay warqad, taas oo ay ugu  soo bandhigeen xilliga rasmiga ah  ee  hawlaha doorashooyinka ee ay qaranka u hayaan ku soo dhamaytirayaan.

Inkastoo komiishanka doorashooyinku aanu soo saarin qoraal ama warsaxaafadeed arrintan la xidhiidha,waxa illo xogogaal ah oo ku dhaw komishanka doorashooyinku ay xaqiijiyeen in warqad ay gudbiyeen madaxweynaha, iyagoo ku faah-faahiyay uguna soo bandhigay madaxweynaha muddada rasmiga ah ee ay hawlahooda ku dhamaytirayaan, isla markaana ay doorashadu ku qabsoomayso, Waxaanay guddidu ku  sheegeen warqada ugu dambayn in bisha June sannadka 2016-ka ee soo socda ay ku dhmaystirayaan hawlaha doorashada.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu u gudbiyo golaha guurtida go’aankan komiishanka doorashooyinka qaranku ka soo saaray muddada doorashadu qabsoomayso.

komiishanka-doorashooyinkaSomalilandpost.net