Ciidamadda Kenya Oo Sheekh Soomaali Ah U Xidhay Weerarkii Jaamacadda Gaarissa

Sheekh_Maxamed_Mahad_XasaanNairobi, (SLP)- Ciidamada ka hortaga argagixisad ee dalka Kenya ayaa sheekh Soomaali Kenyan ah ku eedeeyay inuu ka mid ahaa xubnihii dhanka dhaqaalaha ku taageerayay kooxihii ka tirsanaa Al-shabaab ee weeraray horaantii bishan April Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo lagu dilay 148-qof.

Ciidamada la dagaalanka aragagaxisada ee Kenya (ATPU) ayaa todobaadkii hore amar ku bixiyay in la xidho Sheekh Xasan Mahad Cumar oo loo yaqaan Xasaan, kaasoo la xidhay Jimcihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, saraakiisha booliska ayaa xusay in Sh. Xasaan u xidhiidh aad u dhow la leeyahay Sh. Maxamed Kano oo loo yaqaan Dul-yaddeyn oo ay ku eedeysay xukuumadda Kenya in uu ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa.

Weli maxkamad lama horkeenin Sh. Xasaan iyo qof kale oo maanta ay xabsiga dhigeen ciidamada amniga Kenya, kaasoo lagu magacaabo, Cali Xasan Guure oo ku eedeysan inuu ka mid yahay xubnaha dhaqaalaha ku taageeray xoogaggii Gaarisa weeraray.

“Xasaan iyo Guure waa labada qof ee la rumaysan yahay inay ku taageeraan dhaqaale ar-gagaxisada Kenya soo weerara,” ayuu yidhi dacwad-oogaha Kenya oo maanta la hadlayay warbaahinta Kenya.

Booliska ayaa intaas ku daray in wadaadka Soomaaliyeed laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Islii [Eastleigh] ee Nairobi, halka Guure isna maanta laga soo qabtay xarun ganacsi oo ku taalla Nairobi, iyadoo sidoo kale ay Kenya ku eedeysay 86-qof oo Soomaali u badan inay taageeraan Al-shabaab, balse weli lama horkeenin wax maxkamad ah.

Waraaqo ay ATPU-da Kenya u gudbisay maxkamadda ayaa lagu sheegay in Sheekha iyo qofka kale ee lala xidhay ee lagu magacaabo Guure ay xidhiidh dhaw la leeyihiin xoogagga Al-shabaab ee ku sugan gudaha Kenya.

“Waxaanu rumaysannahay in Sheekh Cumar uu mas’uul ka yahay dhallinta Kenyanka ah ee gudaha Kenya laga qoro Al-shabaab. Laguna hayo dembi kale oo ah inuu guriga ku haystay laba bam-gacmeed. Balse Guure waxaanu rumeysanahay inuu isna lug weyn ku leeyahay qoridda Kenyaanka ku biira Al-shabaab,” ayuu dacwad-ooguhu ku sheegay qoraalka uu maxkamadda u gudbiyay.

Maaha markii ugu horreysay ee ciidanka Kenya ay ku eedeeyaan Sheekh Xasaan inuu xidhiidh la leeyahay kooxda Al-shabaab, waxayna u xidheen hore isaga iyo xaaskiisa Fardawsa Maxamed.

 

Somalilandpost.net