Xarunta Daraasaadka Siyaasadda oo Fulinta Xukunnada Qisaasta ku tilmaantay tallaabo Xoojinaysa Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha

CPA-logHargeysa (SLpost)- Xarunta Daaraasaadka Siyaasadda (CPA) oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa xukuumadda Somaliland ku taageertay fulinta xukunnada Qisaasta ah oo ay Xaruntu ku tilmaantay mid waafaqsan Diinta iyo Dastuurka Somaliland.

Xarunta Daaraasaadka Siyaasadda (Center for Policy Analysis), waxa ay tallaabadan xukuumadda Somaliland ugu dhiirratay fulinta Xukunnnada qisaasta ah ah ku tilmaantay inay jidaynayso xoojinta ilaalinta Xuquuqda Aadamaha isla markaana ay meesha ka saaray dilalka sida fudud loo geysto.

Sidaana waxa lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay Xarunta Daaraasaadka Siyaasadda, waxaanu isaga oo dhammaystiran u dhignaa sidan:- “Xukuumadda Somaliland waxay xukunno qisaas ah oo ka dhacay degmada Mandheera ku fulisay lix nin, ka dib markii  maxkamadaha Soomaaliland ku xukumeen dil.

Somaliland  waa  dal  muslim  ah, dastuurkeeduna wuxuu ku salaysan yahay shareecada  Islaamka ah,  iyada  oo ay  ka  reebban  tahay  ku-dhaqanka xeerarka ka soo horjeeda  shareecada Islaamka, sida ku xusan dastuurka Somaliland  qodobkiisa 5aad, faqraddiisa 2aad.

Somaliland  waxay xaq u leedahay inay fuliso shuruucdeeda gaarka ah ee ku salaysan Shareecada  Islaamiga ah, iyada  oon ka talo galinaynin cid kale.  Qofna xaq uma laha inuu ku xadgudbo nafta qofka kale,  in  qof  uu  dilo qof kalena  waa xadgudub ka-dhan ah xuquuqda aadamaha.

Fulinta  qisaastani waxay horseedaysaa ilaalinta xuquuqda  adaamaha,  gaar ahaan inuu qofku ilaaliyo xaqa qofka kale, waxaanay meesha ka saaraysa in si hawlyar naf qof looga jari karo.  Waxa kale oo fulinta  qisaastani  horumar u  tahay fulinta dastuurka Somaliland  ee ku salaysan shareecada  Islaamiga ah  iyo fulinta axkaamta shareecada, sida ku xusan dastuurka Jamhuuriyadda  Somaliland  qodobkiisa  5aad faqradiisa 2aad.”

SOMALILANDPOST.NET