“Waxaannu ku baaqaynaa in xorriyaddiisa loo soo celiyo guddoomiyaha HRC” – WARSAXAAFADEED, Xarunta Daaraasadka Siyaasadda

CPA-logHargeysa (SLpost)- Xarunta Daraasaadka Siyaasadda oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa si adag u cambaareysay Xadhig lagula kacay Guddoomiyihii Xarunta Xuquuqal Iinsaanka ee Hargeysa Guuleed Axmed Jaamac oo lagu eedeeyey inuu dhalleeceeyey nidaamka Garsoor ee dalka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Daraasaadka Siyaasadda oo Guddoomiyaha la xidhay xubin ka yahay, xadhigga Guuleed Axmed Jaamac, ayaa ka dambeeyey kaddib markii uu warbaahinta qaarkeed dhaliilo u mariyey nidaamka garsoor Somaliland oo uu dhaliilay.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Xarunta Daaraasaadka Siyaasadda,  ayaa u qornaa sidan:-  “Maalinnimadii sabtida ee bishan April ahayd 18, waxa magaalada Hargeysa lagu xidhay guddoomiyaha hay’adda xuquuqda aadamaha ee HCR Guuleed Axmed Jaamac,  isla markaana xubin ka ahaa Xarunta Deraasaadka Siyaasadda (Center for Policy Anlaysis),  kaas oo lagu eedeeyay in uu dhaliilay tayada iyo hab-shaqada garsoorka Somaliland. Xadhigga Guuleed wuxuu daba socday waraysi uu siiyay warbaahinta qaarkeed.

Sida ku cad warqadda tixraaceedu yahay MGH/79/2015 ee ka soo baxday xafiiska  guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa, kuna taariikhaysan 19/04/2015, isla markaana ku socotay taliyaha qaybta baadhista  dembiyada Somaliland, maxkamadda gobolka Hargeysa waxay dammaanad ku sii daysay Guuleed Axmed Jaamac, waxaanay amartay sii-daynta eedaysanaha, balse lama sii dayn.

Haddaba,  Xarunta Deraasaadka Siyaasadda (Center for Policy Anlaysis  –  CPA), waxay cambaaraynaysaa, kana horjeeddaa xadhigga Guuleed. Waxaanu ku baaqaynaa in xorriyaddiisa loo soo celiyo  guddoomiyaha HRC, Guuleed Axmed Jaamac.

—KU SAABSAN XARUNTA DARAASAADKA SIYAASADDA (CPA)

CPA  waa  Xarun  aan dawli ahayn, faa’iido-doonna ahayn.  Hiigsiga  xarunta  CPA  waa inuu ka caawiyo  wadamada Geeska Afrika si ay ugu naaloodaan Nabadgelyo iyo Dawlad Wanaag. Xarunta xafiiska CPA waa Hargeisa,Soomaaliland.”

SOMALILANDPOST.NET