Sababaha Keenay inay Qarraqanto Doon ay Saarnaayeen Boqolaal Muhaajiriin ah

Rome (SLpost)- Doon ay saarnaayeen boqolaal tahriibayaal ah, ayaa ku degtay badweynta Mediterranean-ka, iyadoo ay sabab u ahaydi tahriibayaasha saarna oo dhinac isugu wada ciiray, kadib markii ay arkeen markab kuwa ganacsiga ah oo u dhawaa.

Ku dhawaad 700 qof oo tahriibayaashaas ah, ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen doontaas qaraqantay, iyadoo ciidammada ilaalada xeebuhu soo badbaadiyeen 49 qof oo kalaiya.

Doontan oo dherarkeedu ahaa 70 fuudh, ayaa ku degtay badweynta Jasiira Koonfurta Talyaaniga ee Lampedusa saqdii dhexe ee habeennimadii Axaddu soo galaysay, waxaana ilaa hadda baadi-goobka dadka doontaas saarna ku guda jira 20 markab.

tahriibkaDoonta masiibada sababday, ayaa gurmad u diratay markab ganacsiyeedka u dhawaa oo laga leeyahay dalka Burugaal oo goobta soo gaadhay, balse laguma guulaysan si la badbaadiyo dooontaas sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA.

“Markiiba, waxa aanu ka cabsanay in masiibadan intan ka ballaadhan tahay, waxaanay macluumaadka ugu horreeya laga helay mid ka mid ah dadka badbaaday oo luuqa Ingiriisiga ku hadlaayey, waxaannu sheeegay in ugu yaraan 700, haddii aanay ka badnayn ay doonta saarnaayeen. Doontuna waxay u degtay, kadib markii dadku dhinac kaliya u wada dhaqaaqeen, iyagoo u malaynaayey in doon soo gaadhay si ay u badbaadiso,” ayey tidh Carlotta Sami oo ah Afhayeenka hay’adda Qamarada Midoobay qaxoontiga u qaabilsan ee UNHCR oo la hadashay teefiishanka SKYTG24.

Ciidammada Talyaaniga iyo markaab kuwa ganacsiga ah, ayaa toddobaadkan oo kaliya badbaadiyey 10,000 tahriibayaal ah, iyadoo marba marka ka sii dambaysana tiro aad u badan ku  qulqulayso xeebaha dalka Talyaaniga si ay u gaadhaan Qaaradda Yurub oo waddankaasi yahay Kedinka kaliya ee tahriibayaasha ugu badani ka galaan.

SOMALILANDPOST.NET