“Deked La Iibinayaa Ma Jirto, Waxaanu Ku Talo Jirnaa…” Wasiirka Khaarajiga

Hargeysa, (SLP)- Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay ku talo-galka dekeda Berbera oo maalmihii u dambeeyay bulshadu isla dhexmaraysay in shirkado ajaanib ah lagu wareejinayo.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in xukuumaddu bulshada usoo bandhigi doonto qorshaha wareejinta, isla markaana aan si dhib yar lagu wareejinaynin.M. B. Yoonis

Maxamed Biixi Yoonis oo kasoo laabtay dalka dibaddiisa, isla markaana warbaahinta kula hadlay madaarka ayaa yidhi. “Horta wararkaas la isla dhaafayo wax ka jiraa ma jiraan.Deked la iibinayaana ma jirto. Berbera sidii hore loo yidhi wax go lagu qaado ka wayn, Masuuliyad baa ka saaran Dawladda Somaliland in dekeddaas la balaadhiyo, in maalgashi la galiyo”

Wasiirku waxa uu ku dooday inaan si sahlan loo wareejin doonin Dekedda “Waxaa naga go’an inaanu aad uga fiirsanno oo dadka u soo bandhigno, markaa dekeddaasi waa deked aad iyo aad muhiim ugu ah ummadda Somaliland qof laga iibinayaana ma jiro, waxaanu ku talo jirnaa inaanu maalgalin fiican u raadino oo dadka u soo bandhigno, Khubaro la tashano markaas wax la iibinayaa ma jiro ee waa iska dacaayado raqiis ah.”

 

Somalilandpost.net