Daacish Oo Qaabab Kala Duwan U Laysay Dad Itoobiyaan Ah

ISIS4Tripoli, (SLP)-  Kooxda Daacish ayaa soo saartay muuqaal muujinaya laba kooxood oo dad ah, kuwaasoo qaarna qoorta laga jarayo, kuwo kalena rasaas lagu furayo, waxaana dadkaas loo aqoonsaday inay ahaayeen Itoobiyaan masiixiyiin ah oo ku noolaa dalka Libya.

Muuqaalkaas ayaa waxa lagu baahiyey internetka, waxaana laga soo kala duubay laba meelood oo dalka Libya ah oo kala ahaa Barqah oo ku taala bariga iyo Fazzan oo ku taala koonfurta.Daacish

Muuqaalkan oo loogu magac daray ”Ilaa iyo inta u imaanayso cadeyn cadi” ayaa waxa ka muuqday nin wejiga soo duubtay oo ku hadlaya luuqada ingiriisida, una goodinaya masiixiyiinta una sheegaya inaanay badbaadi doonin ilaa ay ka qaataan diinta islaamka ama ay dhiibaan lacagta jizyada ah ee laga qaado qofka aan muslimka ahayn.ISIS3

Muuqaalka oo 29 daqiiqo iyo 11 ilbidhiqsi ah ayaa waxa uu u muuqdaa in looga gol-leeyahay in lagu sharaxo mawqifka Daacish ee ku wajahan dadka masiixiga ah.ISIS

Waxay ku doodayaan in dadka masixiyiinta ah ee ku nool meelaha ay gacanta ku hayso Daacish ee ogolaaday inay ay bixiyaan lacagta Jizyada ah ay ku nool yihiin si nabad ah, kuwii diidana ay wajahayaan dil.

ISIS1

Wararka Caalamka

Somalilandpost.net