Jacob Zuma Oo Sheegay Inuu Wax Ka Qabanayo Dhibta Dalkiisa Ku Haysata Soomaalida

Opening Media Lunch 'World Cup 2010 - before the kick-off':Johannesburg, (SLP)-  Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacop Zuma oo booqday xero si ku meel-gaadh ah loo dejiyay dadka ka cararay rabshadaha isir-nacaybka ah ee dalkaas ka socda ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida ku nool Koonfur Afrika oo ka mid ah ajaanibka weerarrada lagu hayo.

Zuma ayaa intaas raaciyay in dadka Koonfur Afrika aanay dhaqan u lahayn inay dhibaato u gaystaan dadka la nool ee Afirkaanka ah, waxaanu xusay in dawladda uu hoggaaminayo ay qaadayso tallaabooyin ay ku xasilnayso dhibaatada taagan.

“Si adag ayaan u cambaareynayaa falalka dhibaatada ah ee ay samaynayaan dad tiro yar oo Koonfur Afrikaan ah, waxaananu qaadanaynaa tallaabooyin aan wax kaga qabanayno dhibka taagan.” ayuu yidhi Zuma oo intaas raaciyay inuu amar ku siiyay hay’addaha amniga dalkiisa inay badbaadiyaan hantida ajaanibka ku nool dalkiisa.

Sidoo kale, qaar ka mid ah dadkii uu madaxweyne Zuma la kulmay ayaa u sheegay inay ka go’an tahay inay iskaga tagaan dalkiisa oo ay dib ugu laabtaan waddamadooda.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay Koonfur Afrika waxa ka jiray rabshado ay ku naf-waayeen ugu yaraan shan qof oo uu ku jiray wiil yar oo 14-jir ah, kuwaasoo ay gaysanayeen kooxo cadhaysan oo Koonfur Afirkaan ah.

Rabshadahan ayaa lagu bara-kiciyay kumannaan ajaanibka dalkaas ku nool ah, kuwaasoo ay ku jiraan Soomaali, waxaana haatan ay dadkaasi ku sugan yihiin saldhigyada ay leeyihiin ciidamada dalkaas si aan loo dhibaatayn.

Ugu dambayn, ganacsato Soomaali ah oo ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa Warbaahinta u sheegay in la boobay boqolaal dukaanno ay magaalooyinka iyo tuulooyinka waddankaas ku lahaayeen, ka dib markii ay kusoo qamaameen dad cadhaysan oo Koonfur Afirkaan ah.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ku nool boqolaal kun oo Soomaali ah, kuwaasoo intooda badan dukaammo ganacsi ku leh deegaano ka baxsan magaalooyinka waaweyn, halkasoo marar badan lagu weeraray.

 

Somalilandpost.net