Suldaanka Guud Beelaha Awal Oo Talo Iyo Hoga-tusaaleyn Ujeediyay Xukuumadda, Axsaabta, Komishanka, Goleyaasha Iyo Bulshada

Hargeysa, (SLP)- Suldaanka Guud ee Beelaha Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, isla markaana talooyin iyo hoga-tusaaleyn ujeediyay xukuumadda, goleyaasha qaranka, axsaabta iyo guud ahaan shacabka Somaliland.suldaan xasan(1).JPG

TALO BIXIN:

 

  • Qabashada doorashada iyo arimaha mudo xileedka xukuumada ee gabogabada ku dhow iyo muddada loo kordhin karo. Ugu horeyn komishanka doorashada qaranka waxaan u arkaa in ay ka gaabshen hanankii lagu yiqiin komishanadii hore oo ku salaysnaa wada tashi dhamaanba laga talo galin jiray hogaamada bulshada qaybahooda sida culimo, madax dhaqameed, axsaab, golayaal, ururo bulsheed intaba waxa tusaale inoogu filan sida ay u qorsheeyen qorshaha diiwan galinta codbixiyaha oon ku dhisnayn talo shilis isla markana ah weyd tamar daran xuub caarona kaba jilicsan waxay qorsheyen ayagoon aqoon wax weydiin in july aybilaabmayso diwangalinta codbixiyayaashu xiligaas oo ku beegan wakhti xagaaga looyaqan oo habayaraate dhulka xeeb oo dhan.
    aanu ku sugnayn dadweyne laga diwan gashaa oo xili xagaa bax lagu maqanyay ah waxay kaloo sheegen in ay afar bilood iyo bil tijaabo ah sida ay shaqadu u dhacday la qiimaynayo waa disamber hadiiba roobabka dayrta yaraadan alle inaguma keenee yaradan waa xili jiilaala oo dadweyneheena sida xoolo dhaqato oo dhami waa hayaan ok xiliyadii madama oyna ku sar goyn cimilada kala duwan marka laga yimaad hadana goldaloolada u weyn ee taal maba ay cayimin doorashada xiligedii ?
    Waxaa kale oynu ognay in qaadhan bixiysyaashii inaga caawinaayay doorashadu diyaar la yihiin kharashkii laga rabay oo lagu qiyaasay 13milyan dollar diwan galin iyo doorasho oo ah 75 boqolkiiba 25 boqolkiiba laga sugayo xukumada isku soo wada duboo wakhtiga aanay u talo baadi goobin sidoda hadaynu u dayno waxaa waajiba in komishanku cayimo xiliga ay dhacayso dorashadu oo waajiba kana saaran qaydhiinka hawsha loo igmaday ee shaqadooda ah waxaan usoo jeedinayaa in ay ku asteeyan bisha march 2016 bisha jeniwary kaambaynkii bilabmo wakhtiga sharcigu ogolyay sidaa dadka iyo dalkaba ugu cadeeyaan qoraxdana ka cadeyan himilada looga fadhiyo .
  • Dhinaca guurtida waa inay ka gutaan waajibadkoda oo qaranka ka badbaadiyaan muran khilaafa oo horseedi kara khalkhal mudada kordhintu ku salaysnaataa mudo kooban mudo xileedka iyo qabsoomida doorasho waxaa dusha kafuulayaa waa 8bilod iyo wax aan dhaamin waana la kordhin karaa inaan dalku ku dhicin dawlad la.aan 3.xukuumada waa inay diyaarisaa kharashka kaga aadan hawlaha doorashada isla mar ahaantana aanay ku fekerin sad bursiimo mudo kordhin wakhti badan
  • Axsaabta mucaaridka waxaan leeyahay joojiya dawldad wadaaga iyo waxaan cidi idinku raaci karin oo fawdo keeni kara si degan u gar naqsada talada dalka cid idiin dhiibtay ma jirto oo tartamayaalbaad ka tihiin wado saxa ku baadi gooba sidii tartan u dhici lahaa
  • Dardaaran iyo gabo gabo guurtidu waa inay ka taliyaan sidii aanu khal khal iyo khilaaf inoogu iman lahayn wakhti qorshe lagu saleyay oo macnaysan waa in ay kordhinta ku qeexaan . Komishanka waxaa looga fadhiyaa Jadwal dhamays tiran oo qeexan kuna cadahay maalinta doorasho dhacayso Ugu danbeyn shacabku waa in ay ka taxadaraan cidkasta oo khalkhal iyo khilaaf wada xukuumad iyo axsaaba.

Wabillaahi Towfiiq