Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Iyo Waxyaabaha Uu U Cuskaday Erigiisa

Hargeysa, (SLP)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmaed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa xilkii uu Qaranka u hayey ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Yuusuf Ismaaciil Cali, kaasoo uu xilka-qaadistiisa ku sababeeyey wada-shaqaynta Guddiga Caddaaladda iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo adkaatay iyo cabashooyin ka taagan Garsoorka dalka.Gudd. Maxkamadda sare

Sida lagu sheegay War-Saxaafadeed Caawa kasoo baxayka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland.

Qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee Somalilandpost. Waxa uu u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed (Siilaanyo), waxa uu Digreeto Madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/M/XERM/249-3197/042015 xilkii uu Qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, isaga oo Madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona Masuulkii buuxin lahaa Guddoomiyenimada.

 Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: – Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: – Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: – Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddiga Caddaaladda, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada-shaqaynta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddiga Caddaaladdu; Markuu Arkay:- Cabashooyinka is-daba-joogga ah ee dadweynuhu ka muujiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorka Dalka;

Markuu Yaqiinsaday:-  In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka; Wuxuu Go’aansaday: In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Guddoomiyenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali.

 

ALLAA MAHAD LEH.”

 

Somalilandpost.net