Madaxweyne Uhuru Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Xukuumaddiisa

Nairobi, (SLP)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa isku-shaandhayn kooban ku sameeyey hoggaanka taliska ciidanka qaranka dalkaas iyo golaha wasiirrada, ka dib markii ay dhawaan dhacay weerar dad badan lagu laayay oo ay Al-shabaab ka gaysatay jaamacad ku taalla Gaarisa, halkaasoo ay ku dileen 148 qof oo u badnaa ardaydii jaamacadaas.Uhuru

Ugu horeyn waxa uu madaxweyne Uhuru taliye cusub u magacaabay ciidanka militariga Kenya (KDF) kadib markii uu hawlgab noqday taliyihii hore ee ciidanka KDF Gen.Julius Karangi.

Madaxweynaha ayaa Samsom J. Mwathethe u magacaabay taliyaha cusub ee ciidanka qalabka sida waxa sidoo kale loo dalac siiyay darajada General halka uu hore uu ka ahaa laba-xidigle

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu taliye ku-xigeenka ciidanka KDF u magacaabay Lt-Gen.Joseph Kasaon.

Dhinaca kale wuxuu madaxweynuhu isku shaandhayn kooban ku sameeyay qaar ka mid ah golihiisa wasiirada.

Eugene Wamalwa waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda Biyaha iyo waraabka Monica Juma waxaa loo magacaabay xoghaynta golaha Wasiirada

Major-Gen Gordon Kihalangwa waxaa loo magacaabay xoghayaha guud ee wasaarada arimaha gudaha iyo amniga.

Nzioka Waita waxaa loo magacaabay xoghaynta mid kamid ah waaxyaha madaxtooyada

 

Somalilandpost.net.