Xildhibaan Puntland Ah Oo Lagu Dilay Muqdisho Iyo Masuuliyiinta Maamulkaas Oo Ka Dayriyay Ammaanka Magaaladaas

xildhibaan PuntlandMuqdisho, (SLP)- Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamul gobolleedka Puntland ayaa kooxo dabley ahi ay maanta ku dileen magaalada Muqdisho, xilli uu la socday gaadhi, isagoo noqonaya mas’uulkii ugu horreeyay ee ka tirsan baarlamaanka maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee magaaladaas lagu dilo.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Aadan Xaaji Xuseen Ismaaciil ayaa la sheegay inuu baryahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho, iyadoo dableyda dishay ku dhex toogteen gaadhi uu la socday, ka dib markii ay rasaas ku fureen.

Kooxaha dilka xildhibaanka gaystay ayaa watay gaadhi yar oo kuwa raaxada ah, iyagoo ku dilay xaafada Taleex oo ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, wararku waxay intaas raaciyeen in xildhibaankani la dilay uu arrimo caafimaad u joogay Muqdisho, wuxuuna xilliga la dilayay la socday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka badbaaday weerarkaas.

Dhinaca kale, guddoomiyaha barlamaanka maamul gobolleedka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa si adag u cambaareeyay dilka xildhibaankaas, waxaanu yidhi, isagoo arrimahaas ka hadlaya. “Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan eheladi iyo qaraabadii uu ka tagay xildhibaanku,waxaanan Alle uga baryayaaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo intii uu ka tagey.”

“Puntland waxay si adag u dhaliilaysaa dilka loo gaystay xildhihaan Aadan Xaaji, waana in cadaallada la horkeenaa kooxihii dilay xildhibaanka,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka oo tilmaamay in ammaanka Muqdisho uu yahay mid aan la isku halayn karin waqtigan.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa dawladda Soomaaliya ka dalbaday in baadhitaan adag lagu sameeyo dilkan, isla markaana codsaday in gacanta lagu soo dhigo kooxihii soo qorsheeyay dilkiisa ,manuu sheegin sababta dilkiisa ka dambaysa.

Ugu dambayn, xildhibaanka geeriyooday ayaa ka mid ahaa xubnaha barlamaanka maamul gobolleedka Puntland ka soo gala gobolka Sool.

 

Somalilandpost.net