Tirada Dadka Ku Dhintay, Kuwa Loo Xidhay Rabshada Koonfur Afrika Iyo Baaqa Booliska

Johannesburg, (SLP)- Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa ugu baaqay dadka inay joojiyaan farriimaha aan la xaqiijin ee ku saabsan weerarada ka dhanka ah dadka ajaanibka ah ee la soo dhigayo baraha xidhiidhka bulshada, iyadoo sababtuna ay tahay inay keenayaan argagax.South Africa

Booliska ayaa sheegay inay warwar ka qabaan waxay ku sheegeen inay yihiin waxyaabo aan sal iyo raad toona lahayn, kuwaasoo sii kicinaya rabshadaha ka dhanka ah ajaanibta dalkaas.

Ilaa iyo 30 qof ayaa loo xidhay rabshado xalay ka dhacay magaalada Johannesburg, waxaana sidoo kale la burburiyay ganacsiyo dhawr ah oo ay leeyihiin dadka ajaniIbka ahi.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay weerarada ka dhanka ah ajaanibka, kuwaassoo bilaabmay, ka dib markii boqorka qabiilka Zulu Goodwill Zwelethini uu sheegay in ajaanibku dalka ka baxaan.

Dadka soo galootiga ah ayaa lagu eedeeyaa inay shaqooyinka kala wareegeen dadka deegaanka oo sabool u badan.

 

Wararka Afrika

Somalilandpost.net