Komishanka Oo Shaaciyay Hanaan Cusub Oo Ay Kusoo kordhiyeen Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha

“Qofka iska Diiwaan-geliya Hargeysa, Wuu Ka Codeyn Karaa Ceerigaabo”

Xubnaha-Komiishanka-Somaliland

Hargeysa (SLP)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay inay soo kordhiyeen qorshe cusub oo ah in qofka iska diiwaan-geliyay goob uu ka codayn karo maalinta doorashada goob kale oo ku taalla gobol aan ahayn kii  uu  hore iska diiwaan-geliyay.

Sidaasna waxa daboolka ka qaaday Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo khamiistii ka hadlayay kulan lagu faaqidayay  xuquuqda beelaha la hayb-sooco ee Somaliland,kulankaasi oo uu soo qaban-qaabiyay urur la yidhaahdo  VOSOMWA oo marti qaad u fidiyay xukuumadda, xisbiyadda qaranka iyo Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka.

“Muwaadiniinta reer Somaliland waxaannu ku boorinaynaa  inay is-diiwaangeliyaan oo ay qaataan kaadhka codbixiyeyaasha oo bilaabmi doonta haddii ALLE yidhaahdo 21 Bisha July ee fooda innagu soo haysa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay  meesha ka saareen caqabado hore u haystay codbixiyeyaasha, waxaannu yidhi “Diiwaan-gelintan cusub  ee codbixiyeyaasha waxay dadweynuhu  ka raysanaayaan sidii diiwaan-gelintii berrigii hore  waxay ahayd in qofku goobta uu iska diiwaan-geliyay oo kaliya ka codeyn karo, balse Komishanku waxaanu imika ka dhignay  in qofku Hargeysa intuu  ka qaato kaadhka codbixinta, tusaale ahaan uu ka codayn karo  magaaladda Ceerigaabo. Waanu fududeynay dadweynahana waxaannu leenahay sidaasi ku bushaareysta. Waxaan dadweynaha aanu ku adkaynaynaa oo ku boorinaynaa inay  qaataan kaadhka codbixiyeyaasha..”

Guddoomiye Cabdi-qaadir Iimaan waxa uu sheegay inay dhex u yihiin saddexda xisbi qaran ee u baratamaya tartamadda doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Wakiiladda.

“Annagu waxaanu dhex u nahay Axsaabta Qaranka ee tartamaysaa in aanu u caddaalad samayno, haddii ALLE yidhaahdo, markaa howshii gacanta ayaannu ku haynaa,  diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha  ayaa dalka ka bilaabmi doonta, muwaadiniintana  waxaa laga rabaa inay is-diiwaan-geliyaan,”ayuu ku dooday Mr. Iimaan.

Somalilandpost.net