Soomaali Maxkamad Lagu Saarayo Gobolka Ohio Iyo Eedaha Lagu Oogay

USOhio, (SLP)- Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud oo 23 jir ah ayay guddi xeer-beegti ahi ku eedeeyeen inuu galay dembiyo kala ah taageerida argagixisada iyo inuu warbixin qaldan siiyay saraakiil ka tirsan hay’adda FBI.

Kaaliyaha xeer-ilaaliyaha guud ee amniga qaranka John P. Carlin, xeer-ilaaliyaha koonfurta degmada Ohio Carter M. Stewart iyo sarkaalka ugu sareeya laanta FBI ee faraca magaalada Cincinnati Angela L. Byers ayaa eedeeymahan u xambaariyay eedeysanaha maanta oo maxkamad la keenay.

Warbixinta maxkamadda la horkeenay ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan uu bishii April ee sanadkii hore tagey Siiriya si uu halkaas ugu qaato tabobar ugana barbar dagaallamo ururka Daacish.

Eedeysanaha ayaa haddii lagu helo dembiya lagu soo eedeeyay waajihi doona xukun xabsi ah oo dhan 23 sano, inkastoo weli eedeymuhu ay yihiin kuwo aan caddeymahooda la soo dhammaystirin.

Eedeysanaha ayaa maanta loo gudbiyay xabsi federal ah, taasoo la qabtay 21-kii bishii February ee sanadkan.

Somalilandpost.net