FALASTIIN: Aroos-wadareed kulmiyey 200 Lammaane iyo Dareenka ka dhashay (DAAWO BILICDA SAWIRRADA + Video)

Gaza City (SLpost)- Munaasibad ballaadhan oo lagu yagleelay dhismaha 200 Qoys oo dhammaantood ah WEiilal iyo Gabdho dhalinyaro ah, ayaa Sabtidii dorraad lagu qabtay duleedka Galbeed ee magaalada Gaza oo ka tirsan Dhulka Ismaamulka  Falastiin.

Xafladda loo qabtay Aroos-wadareedyada Wiilal iyo gabadho tiradoodu tahay 400 oo noqonaysa tii ugu ballaadhnayd ee lagu qabtay waddanka Falastiin, ayaa ahayd mid loo ekaysiiyey munaasibadaha loo qabto Aroos-dhaqameedyada ay caanka ku yihiin shacabka reer Falastiin, waxaanay soo jiidatay warbaahinta Caalamka oo siyaabo kala duwan u faaqiday aroos-wadareedyada oo lagu tilmaamay mid lagu dhiirri-gelinayo qiimaha Qoyska iyo abuuritaankiisu ku leeyahay bulshada dhexdeeda, sida uu kaga dhawaajiyey masuul ka tirsan maamulka magaalada Qaza oo munaasibadda soo qabna-qaabiyey.

aroos wadareed Gaza (6)Munaasibaddan oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Gar-gaarka bani’aadamnimada ee Falastiiniyiinta (FATA), waxa maal-galiyey lacagta ku baxday Waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo u soo mariyey Mu’asasadda Khaliifa Foundation.

Sida ay soo tabiyeen warbaahinta laga leeyahay Falastiin, waxa tallaabadan bogaadiyey qabsoomiddeeda shacabka ku dhaqan marinka Gaza iyo Ehellada Lammaaneyaasha Calafkoodu ku kulmiyey munaasibadda oo socotay Dhowr Saacadood oo xidhiidh ah iyada oo roobab aan kala go’ lahayni ku da’ayeen.

aroos wadareed Gaza (5)Rami Abu Amro oo ah hooyo dhashay mid ka mid ah Ragga Dhalinyarada ah, ayaa sheegtay in xiisabaha ay u qabeen jewiga xafladda laga dheehan karayey inaanay marnaba joogsan iyada oo Roobab da’ayaan. Waxa ay sheegtay in wiilkeedu bilaabi doono nolol cusub oo masuuliyeed isla markaana uu dabbari doono noloshiisa, in kasta oo ay ka dayrisay xaaladda ka aloosan Marinka Gaza oo ku yaala Xeebaha badda Mediteranianka.

Boqolaal Munaasibadood oo nooocan oo kale ah, ayaa sannadihii u dambeeyey lagu qabtay Marinka Gaza, taas oo ujeeddadeedu tahay in la taageero dhalinyaro badan oo aan dhaqaale ahaan awoodin inay guursadaan.

aroos wadareed Gaza (1)Xafladaha Aroosyada ee lagu qabto dhulka Carabta gaar ahaan Falastiiniyiinta, waxa ku baxa kharash fara-badan, taas oo lammaaneyaal badan ku khasabta inay dib u dhigaan Arooskooda si ay u helaan kharash ku filan munaasibadda Arooskooda.

Marinka Gaza oo ka mid ah dhulka Falastiin, waxa uu ku yaalaa Xeebaha Badda Mediteranian-ka waana dhul ka go’an inta kale oo waddanka Falastiin oo ah Daanta Galbeed, waxaana kala qaybiya una dhexeeya Israa’iil oo xoog ku haysata qaybo badan oo ka tirsan dhulka Falastiin.

aroos wadareed Gaza (2)Munaasibaddan, ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowr bilood laga joogo duqeyn iyo burbur aan waxba loola hadhin oo milatari Israa’iil u geystay Marinka Gaza, gaar ahaan magaalada Gaza oo gacanta ugu jirta maamulka ururka Xamaas oo reer Galbeedku ku tilmaamaan urur Argagixiso. Dagaalyahannada ururka Xamaas, ayaa intii dagaalankani socday Gantaalo ku bartilmaameedsaday deegaannada Yuhuudda, in kasta oo khasaaraha ay gantaalahaasi geysteen aan la bar-bar dhigi kharin weerarrada iyo duqeymaha diyaaraha Israa’iil ka geysteen Marinka Gaza oo khasaare ba’an gaadhsiiyey Nolosha Shacab tira-badan iyo Hanti badan oo ku burburtay.

aroos wadareed Gaza (4)Intii uu dagaalksaasi socday, waxa Marinka Gaza Gaza ku dhintay in ka badan 2 Kun oo Falastiiniyiin shacab u badan ah, halka dhinaca Israa’iil ay ka dhintaan dad tiradooda ku dhow dhowdahay 70 oo ay ku jiraan saddex qof oo shacab ahi.

DAAWO MUUQAAL