Turkiga oo Somaliland ku maslaxaya sii ambaqaadka wada-hadalladii fashilmay ee u socday Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Turkiga, ayaa Wefti u soo dirtay Somaliland ku maslaxa sii ambaqaadka wada-hadalladii fashilmay ee u socday Soomaaliya, iyadoo Turkigu marti-geliyey lixdii wareeg ee ugu dambeeyey wada-hadallada labada dhinac oo kii u dambeeyey bishii March ee sannadkan 2015-ka ku fashilmay magaalada Istanbul ee Turkiga.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyeen Wasiirro Xukuumaddiisa ka tirsani, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wefti uu hoggaaminayo Safiirka dawladda Turkiga ee Soomaaliya  Danjire Olgan Bekar oo shalay booqasho ku yimi Caasimadda Hargeysa, waxaanay labada dhinac isla qorsheeyeen arrimo kala duwan, sida ay Masuuliyiintu sheegeen markii laga soo baxay kulankaas oo albaabbadu u xidhnaayeen intii uu socday.

DSC_0090Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Safiirka dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar, ayaa markii kulankaasi dhammaaday si wada-jir ah Saxaafadda ugula hadlay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa. “Wefti Turkiga ka socda  oo uu hoggaaminayo Safiirka Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa halkan noogu yimi, waxay u socdeen inay arrimaha wadahadallada wax innaga weydiiyaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Wasiir Xirsi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Arrimihii wadahadallada waynagii meel ay dhaafi weyday aynu ku soo xidhnay oo ahayd Soomaaliya inaanay dad Somaliland ah soo kaxaysan ee ay dad reer Soomaaliya ahi yimaaddaan haddii ay wadahadallada doonayso. Arrintii noocaas ahayd, halkii uunbay Somaliland ka taagan tahay, wax is-beddel ahi ma jiraan, Tukriguna wuxuu innoo Sahlayey inuu Miiska innoo diyaariyo, waanay ku mahadsan yihiin wixii ay innala soo mareen. Laakiin-se iyagu wax gaar ah oo ay ka wataan ma leh ee waxay danaynayaan wadahadal la wadahadlo oo qolo-waliba la timaaddo taladeeda iyo aragtideeda.”

Sidoo kale, Safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Soomaalida Olgan Bekar, ayaa isaguna dhankiisa Saxaafadda uga warramay waxyaabaha ay Madaxweynaha Somaliland ka wadahadleen, waxaanu yidhi; “Maanta (shalay) waxaannu Madaxweynaha la qaadannay kulammo midho-dhal ah, waxaannu ka wada-xaajoonnay Iskaashiga laba geesoodka ah ee aannu leenahay iyo wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Immikana waxaannu diyaar u nahay inaannu sii amba-qaadno wadahadallada, annagoo xisaabta ku darsanayna tixgelinta labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya. Insha Allaah, waxaannu ku rejo-weynahay inaannu sii wadno wada-xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.”

“Waxa kale oo aannu ka-wada-xaajoonnay iskaashiga laba-geesoodka ah ee noo dhexeeya Somaliland, waxaannu wada-yeelannay qorsheyaal mustaqbalka ah, annagoo ay naga go’an tahay inaannu sii horumarinno xidhiidhkayaga Somaliland oo ah xuddunta goobahayaga Taariikhiga ah, waxaannu u baahannahay inaannu kordhinno joogitaankagaya Somaliland.” sidaa ayuu yidhi Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Ambassador Olgan Bekar.

Inkasta oo ay dawladda Turkigu labadii sannadood iyo badhkii ugu dambeeyey marti-gelinaysay wadahadallada u socday Somaliland iyo Soomaaliya oo lixdii wareeg ee ugu dambeeyey Shirarka wadahadalka lagu qabtay magaalooyinka Ankara iyo Istanbul, haddana waxa ugu dambeeyey Shirkii wejiga siddeedaad ee wadahadalladu 1-dii bishii March 2015-ka ku fashilmay magaalada Istanbul ka dib markii ay Ergada Somaliland ka socotay diidday inay la fadhiistaan Ergadii Soomaaliya ka socotay oo ay ku jireen 4 Xubnood oo xilal ka haya dawladda Soomaaliya, balse u dhashay Somaliland, taasoo markii dhinac waliba tiisa ku adkaystay keentay in shirkaas furmi lahaa 1-dii March fashilmo, isla markaana Ergooyinku u kala baqoolaan Hargeysa iyo Muqdisho.