“Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu Ma Waxay Sas ka Qaadeen Isbahaysigii Xisbiyada Mucaaridka iyo Madasha Wadatashiga” – Qalinkii: Mohamed Adan Dube (Gacayte)

Mohamed AdenMarka aynu yar milicsano dhowrkii todobaad ee ugu danbeeyay wax sii xoogaysanayay hirdanka siyaasadeed ee ka dhexeeya Xisbiga Xaakimka Kulmiye iyo Xisbiyada Mucaaridka oo jawigooda laga fahmi karo inay tahay midi midi ku taag qoloba qolada kale ku eedaynayso inay sabab u yihiin dib udhaca doorashooyinka oo dhawaaqii Komishanka Qaranka uun Lagu baraarugay kaasoo nuxurkiisu ahaa in hawlahii diiwaangalinta codbixiyayaasha ay bilaabi doonaan marka ay ay dhamaato mudo xileedka xukuumada oo ku beegan 26june2015. Inkasta oo ay xisbiyada mucaaridka ahi aqbaleen mudada ayay soo saareen kDQ ee ay ku bilaabayaan hawsha diiwaangalinta codbixiyayaasha, hadana maalin kadib dhawaaqaa komishanka waxa war murtiyeed soo wada saaray labada xisbi mucaarid iyo madasha wadatashiga, ujeedadiisuna ahayd inaanay aqoonsanayn xukuumada wixii ka danbeeya 26june, waxaanay go,aansadeen in xukuumada wadaag ah ay kudhawaaqi doonaan kadib marka lakala diro xukuumada iyo baarlamaankaba, iyadoo taasi jirta ayaa xukuumada iyo xisbigeeduba ay meel cad iska taageen inaanu soconayn go,aankaa mucaaridku, dalkana aanu maalin dawlad la,aan ku dhici doonin hadii doorashadu dib udhacdo.

Hadaba markaan yar falan qeeyo arimahaa Xisbiyada Mucaaridka Midbaan usoo jeedin lahaa, Xisbiga Kulmye iyo Xukuumadiisana Midbaan usoo jeedin lahaa.

Xisbiyada Mucaaridka ah:- waxaan leeyahay hadaad kursiga dalkan laga xukumo aad ku socotaan waar kursiga nabad ku doona, wada hadal ku doona, wada tashi ku doona, laakiin hadaad ku doontaan qaab nabadgalyo daro ah oo dawlad la,aan ah dee adeer idinkana idin anfici mayo umadana anfici mayo, umaduna aad codka ka doonaysaana idin ka aqbali maayaan. Laakiin waxaad ogaataan arinta dib udhaca doorashada maanta may iman ee bari hore ayay dib u dhacday, waxaanay ahayd in waqti hore aad indhaha furtaan oo aad ka hawlgashaan, maanatana waxa idin la gudboon in sharcigana la dhawro wixii umadan iyodalkan dan u ahna la raaco wada hadal iyo heshiis lagu dhameeyo sidii layskula meel dhigi lahaa arimaha doorashooyinka waqti cayimana loogu mudayn lahaa maalinta doorshadu qabsoomayso.

Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisa: waxaan leeyahay falaadhi gilgilasho kaagama go,do marka laga hadlayo sharciga qabsoomida doorashooyinka wuxuu dhigayaa inay masuul ka tahay arimaha doorashooyinka inay waqtigeedii ku qabato xukuumada waqtigaa talada gacanta ku haysa, kolkaa xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay M/weyne Axmed Siilaanyo horta iyadaa ka masuul ah ilaalinta waqtiga doorashooyinka, hadaba waxa la yidhi caano daatay dabadood la qabay, waxa maanta muuqatada inay doorashadii aanay waqtigeedii ku qabsoomayn oo dib u dhac jiro, xukuumada waxa looga fadhiyaa inay dardar galiso wax kasta oo fududaynaya inay dalkan doorasho ka dhacdo oo aanay iska indho tirin masuuliyada ka saran qabashada doorashada, haday tahay arimaha diiwaangalinta madniga iyo codbixiyayaasha, komishankana ay xukuumadu kala shaqayso inay sida ugu macquulsan umudeeyaan waqtiga doorashada mudada wax la kordhinayaana ay noqoto mudada ay hawlaha farsamo ee diyaargarowga doorashada iyo diiwaangalinta codbixiyaashu ay socoto.

Gabagabo: waxaan shacabka reer Somaliland u soo jeedinayaa inay ilaashadaan nabada iyo xasiloonida, inay ka feejignaadaan hadalada xanafta leh ee siyaasiyiinta kursiga ku loolamayaa ay dhagahooda soo gaadhsiinayaan taas oo aan filayo inay shacabku u bislaadeen arimaha doorashooyinka iyo saamaynta dib udhacyada doorashooyinku ku keenaan wada noolaanshaha iyo wada jirka bulsha waynta reer Somaliland.

Qalinkii: Mohamed Adan Dube “Gacayte”

Falanqeeya arimaha siyaasada Somaliland

Hargeisa/somaliland