Sidee U fekeraan Tuugtu? (Cilmi-Nafsiga Musuq-Maasuqayaasha) – Qaybtii labaad iyo Qalinka Khaalid Maxamuud

khaalidDabar Goynta Musuqa, run mise been?

Su’aasha ah ma dhici kartaa in musuqa la dabar jaro?Waa su’aal adag oo aan si hawl yar looga jawaabi Karin,waxaanay u baahantay intaan su’aashaba laga war celin in la dhuuxo xaqiiqada musuqa, waxa curiya iyo waxa martigaliya. Sida aan hore u soo sheegay, jiritaanka aafada musuqu waxay ku taagantay sadex tiir:

  1. Jaadka qofnimada. [Curiye]
  2. Baahida iyo rabitaanka [Nugayl]
  3. Dhaqan wadaagga bulshada [Marti-galiye]

Sadexdaa tiir la’aantood musuq ma jireen, jaadka qofnimada siiba shaqsiyadda cir-waynaanta leh, maan-gaab ka ah isla markaana kali noolaha ah ayaa curiya hab-dhaqan ka musuq-maasuqa, baahida iyo rabitaanka ayaa isaguna lagama maarmaan u ah in qof astaamaha qodobka koowaad leh uu u nuglaado inuu wax musuqo, waxay ugu darantay marka labadaa qodob uu sadexeeyo qaab dhismeedka bulshada ama dhaqan martigaliya gacmo furanna ku soo dhaweeya musuqa taas oo keeni karta in si aan dabar lahayn u faafo hab-dhaqanka musuqu. Umalayn maayo in musuqa si kama dambays ah loo dabar jari karo laakin waxan qabaa in wax wayn laga qaban karo hadii si hufan loogu hagar baxo.

Hadaba maxay yihiin hababka maan-gal ka ah ee la heli karo si loo dabro musuqa iyo musuq-maasuqayaasha?

Dabridda Qofka iyo Qofnimada
Qofnimo wanaagsan lama heli karo hadii aan la helin qof wanaagsan, qofnimadu waa astaanta qofka, waa la xakamayn karaa qofnimada musuq-maasuqaha hadii la dabro hab-dhaqankiisa. B.F. Skinner (1904–1990) oo aad wax uga qoray xakamaynta hab-dhaqanada iyo dabeecadaha ayaa waxa uu wax ku soo kordhiyay farsamo qofnimada lagu saamayn karo ama lagu badali karo oo uu keenay [Thorndike, E.L 1901], nuxurka farsamadan ayaa waxay ku qotontaa fikradda ah in dabeecadaha aadanaha wax laga badali karo hadii ama la ciqaabo ama la abaal mariyo [Skinner 1931]. Habkani waa mid sugan oo la tijaabiyay [Sikkner Box] fal celinta hab-dhaqan cayiman ayaa loo kala qaadaa shan fal-celimood oo kala gadisan mid walibana natiijo gaara ay leedahay.

  1. Dhiirigalin Togan
  2. Dhiirigalin Taban
  3. Ciqaab Togan
  4. Ciqaab Taban
  5. Goyn

Dhiirigalinta togan ayaa ah nooc abaalmarin iyo badhitaarid hab dhaqanka la doorbiday si ku celclin ah iyadoo lasiinayo qofka wax uu u baahnaa, u jeedaduna waa in hab dhaqankaasi soo noqnoqdo. Dhiirigalinta taban ayaa ah nooc kale oo abaalmarin ah taas oo qofka laga yaraynayo ama laga dul qaadayo hadimo ama dhibaato hore u haysatay, waxa isku xidhan abaalmarinta iyo habdhqanka cayiman.

Ciqaabta togan ayaa ah nooc ciqaab ah oo ku xidhan hab-dhaqanka la diiday, halka ciqaabta taban ay tahay qofkii oo laga xayuubiyo wax wanaagsan oo uu haystay. Habka Goynta iyada ma jirayso abaalmarin sidoo kale ciqaab, wax fal-celin ah kuma xidhna hab-dhaqanka la diiday, taasna waxa uu [Skinner] ku dooday in ay hoos u dhigayso suuragalnimada in fal cayiman soo noqnoqdo.

Baahidu ma qanacdaa?

Somalida ayaa waxa ay hal hays u leeyihiin “Aadane wax deeqa la waa aan xabaal ka ahayn” odhaahdani waxay ka turjumaysaa xaqiiqo jirta.Rabitaanka dadku bar dhamaad ma leh waa baahi kala sarraysa ilaa heer aan xad lahayn.

Aabihii dadka [Adan] ayaa shaydaanku ka abbaaray dhanka baahida isagoo hodaya ama qar ka tuuraya waxa uu yidhi Iblays: “Adanow Ma kuu tilmaamaa geedka waaritaanka iyo boqortooyo aan dhamaad lahayn?”[Quran 20:120] waqtigaas Adan baahidaa dareemayay waxa uu ku jiray Janada oo wax walba wuu haystay laakin nasiib darro dabar la’aanta baahidu waxay u horseedday go’aankii ugu xumaa ee uu abid qaato.

Hadii aynu ka jawaabnay in baahi oo dhan aan la qancin Karin hadana dhanka kale waxa xaqiiqo biyo kama dibcaana ah in baahiyaha gun dhiga ah ama hoose loo maaro heli karo, sida cuntada, cabitaanka, nabadgaliyada, caafimaadka, wax barashada, guurka, shaqada, hanka, sharafta iyo xorriyadda. Haqab tir la’aanta baahiyaasina waxay khatar ku noqon kartaa jiritaank, fayo qabka iyo horumarka bulshada, waxana lagu doodi karaa in maqnaanshiiyaha wax daboola baahiyaasi inay tahay xudunta musuq maasuqa.

Sidaa darted biya dhaca doodaydu waxay tahay in musuqa aan la dabar goyn Karin laakin la xakamayn karo ama la dabri karo hadii daacad laga yahay.

Dabridda Bulshada

Dadka ku xeesha dheer arrimaha bulshadu aad bay uga hadlaan dabridda dhaqamada iyo bulshooyinka waxana ay soo ban-dhigaan aragtiyo kala gedisan,

Laba hab ayaa jira oo bulshada loo dabro waa habka tooska ah iyo habka dadban, habka dadban ayaa waxa uu ku qotomaa fikradda ah in qofku uu ku dhasho karti balaadhan oo uu xumaan iyo samaanba ku samayn karo, si hadaba loo xakameeyo kartida xumaanta horseedi karta waxa uu dhigayaa habka dadbani in qofku weeleeyo dhaqanka iyo caadooyinka dadka ku xeeran ama bulshadiisa ah.

Habka tooska ah ee bulshada loo dabri karo ayaa ka dhasha saamaynta debedda ee ka timaad xeer-fuliyayaasha sida dawladda oo hirgalisa xeerar lagu kala dambeeyo.Bulsho yaqaanka layidhaa [Émile Durkheim] ayaa waxa uu ku tilmaamaa habkan Xeer-dajin.

Sida qofka nool aanu uga maarmi karin wadnaha, sambabka iyo caloosha ayaanay bulshadu uga maarminqoyska, dugsiga iyo dawladnimada waa sadex xubnood oo ah xubnaha ugu muhiimsan ee bulshadu ka nooshahay, qalaanqal kaste iyo iin kutimaad xubin hawleedyada bulshada waxay dhaxalsiisaa bulshadaas dib u dhac, khalkhal, iyo jaho-wareer marka dambe dhaliya burbur wayn.

Dugsigu waa barta koowaad ee isbadal ka dhalan karo, dugsiga wanaagsan waxa uu ka caawiyaa ardayga inuu barto micnaha ilbaxnimada, wanaagga iyo toosnaanta kadib dadka waawayn ee wax bartay waxay dhisi karaan qoysas unug u noqda koboca tiro ee bulshada, dad cusub ayaa dhasha qoyska dugsiga kasoo tabobartay ayaa sii tababo bara ilmaha dhashay intaanu dugsiga tagin, bulshada nidaamkeeda wax barasho dhisanyahay si wanaagsanna u shaqaynayo waxay soo saartaa jiilal badi toosan kuwaas oo qaar kamid ahi noqdaan maamulayaal dawladeed kuwaas oo ciyaara doorka dawladda kaga aaddan horumarka bulshada oo ah inay ka caawiso bulshadeeda daboolida baahiyaha aasaasiga ah, koboc dhaqaale, shaqo, nabad galyo iyo xorriyad.

 

Jaranjartaas ayay martaa bulshada horumartaa, bulshada burburtaana xubnahaas ayay ka burburtaa, bulshada xumi waxay ku adkaysataa xumaanta halka bulshada sami ay ka cagajiiddo xumaha.

 

Gunaanad

Hadii aynu soo lafo gurney asalka dhibaatada musuqa iyo xalkeeda waxan ku soo gunaanadayaa qormadan is barbardhig labada hab ee ugu wanaagsan dabridda musuqa:
1. Habka taliska xeer-fuliyaha.

  1. Habka taliska dhaqanka toosan.

Habka taliska xeer-fuliyahu waa habka badi dunida manta lagaga dhaqmo, habkani waxa uu ku qotomaa aragtidii [Skinner] ee aynu hore u soo sheegnay ee abaalmarinta iyo ciqaabta taas oo loo dajiyay xeerar cidii jabisa ku ciqaab mudanayso, waxa fuliya booliiska iyo maxkamadaha waxana loogu talo galay in lagu xakameeyo dabeecadaha gurracan ee bulshada qaarkeed.

Habka labaad oo ah [Habka dhaqanka toosan] waa mid aad uga xeel dheer kana wanaagsan kana awood badan kana wax tar iyo saamayn badan habka hore aan u soo sheegnay, habkani waxa uu yahay dhaqanka wanaagsan sida diinta oo qofka dabarta intaan cid kale soo gaadhin, ilaahay in badan ayuu u hanjabay kuwa xeer kiisa jabiya, sidoo kale waxa uu u muujiyay in uu diyaar u yahay cidii ka soo noqonaysa hab-dhaqanadii xumaa ee hore ay u galeen. Dhanka kale in badan oo diinta ah siiba quraanka waxaa lagu sheegay balan qaad abaalmarin dadka xeerarka ilaahay u hogaansama ee xumaanta ka fogaada, kuwooda xumaana balan qaad danbi dhaaf ah oo aan dhamaad lahayn ayaa la hor dhigay.

Waa dareemi kartaa inta ay isku jiraan qof ilaahay oo mar walba arkaya iska ilaalinaya iyo qof booliis iyo askarta iska eegaya, intee dhaqanka diintu xakamayn karaa musuq maasuqayaasha? Intee ayuu daawayn karaa khalkhalka ku yimaad qofnimada?Shaki male in habkani ka heer sareeyo midka kore, qof waliba waa inuu iswaydiiyo muxuu ilaahay la hortagayaa.

 

Dhamaad.

 

Waa Qalinkii Khalid Mohamoud Abdilahi (Ibn Khaldun)