Xukuumadda Somaliland oo jawaab cad ka bixisay Baaq ka soo yeedhay Maraykanka iyo Midowga Yurub

Maxamed Biixi YoonisHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab waafi ah ka bixisay dhawaaq ka soo yeedhay Midowga Yurub iyo Maraykanka, kuwaas oo ku baaqay inay Somaliland Ciidamadeeda kala baxdo Gobollada Sool iyo Sanaag oo ay sheegeen in lagu muransan yahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in aanay Somaliland dhulkeeda iyo aayo-ka-talintiisa cidna uga daba-fadhiisan doonin, isla markaana ay dalalka Maraykanka iyo Midowga Yurub og yihiin Xuduudaha Somaliland.

Wasiirka Maxamed Biixi oo maanta war-fidiyeennada kula hadlayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, ka dib socdaal muddo bilo ah uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa, waxa uu ka hadlay xaaladda degmada Taleex iyo hawl-gallada ciidamada Qaranka Somaliland ka fuliyeen deegaannadaas.

HALKAN KA DHEGAYSO

SOMALILANDPOST.NET