Xafladda Furitaanka Garoonka Xawaadle oo sababo aan la Qeexin dib loogu dhigay Muddo 10 Maalmood ah

Hargeysa (SLpost)- Garoonka kubadda Cagta ee ku yaala xaafadda Xawaadle oo ka tirsan Degmada 26 June ee magaalada Hargeysa oo muddooyinkii u dambeeyey dib-u-habayn iyo dhisme lagu sameeyey, ayaa loo ballansanaa in maanta xadhigga laga jaro dhismihii cusub.

Maayar-SoltelcoHaseyeeshee, Qoraal xambaarsan wargelin ka socota Maayarka Caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa lagu sheegay in furitaanka Garoonka oo maanta oo Khamiis ah ku beegnaa dib uga dhacay muddo toban maalmood ah, taas oo lagu sababeeyey hawlo-shaqo oo ku soo beegmay, balse qoraalka laguma caddeyn waxa ay yihiin arrimaha shaqo ee culayskoodu baajiyey furitaanka Garoonka.

“Maayarka Caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) wuxu ku wargelinayaa shacabka Hargeysa iyo dadkii ay gaadhay martiqaadka furitaanka garoonka Xawaadle oo maalinta Khamiista ku beegneyd (5 June 2014) in muddo toban cisho ah dib loo dhigay, ka dib hawlo shaqo oo ku soo beegmay.

Sidaa darteed waxa uu Maayarku dadkii ay gaadhay martiqaadka furitaanka garoonkaasi iyo dadkii kalaba ka cudur-daaranayaa inay raalli ka noqdaan dib u dhaca ku yimid arrimo shaqo awgeed,” ayaa lagu sheegay qoraalka.

 

SOMALILANDPOST.NET