Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo Sharci-darro been-abuur ah ku tilmaamay Liiska Xubnaha Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta ee la shaaciyey

Hargeysa (SLpost)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye ku-xigeenkiisa Maxamed Kaaahin Axmed, ayaa qaaddacay go’aanka ka soo baxay Shir-guddoonkii Shirweynaha saddexaad ee Xisbigaas oo bishii hore ku qabsoomay magaalada Hargeysa.

Muuse Biixi_Maxamed KaahinLix xubnood oo ka mid ah Shir-guddoonka  shirweynihii Xisbiga Kulmiye oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa shaaciyey Liiska Guddiga Fulinta ee xisbigaasi yeelanayo iyo Liiska Xubnaha Golaha Dhexe, kaas oo ay ku tilmaameen qayb ka mid ah go’aamadii ka soo baxay shirkaas.

Haseyeeshee, hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa waxba kama jiraan ku iyo been-abuur laga sameeyey shirweynihii Xisbiga tilmaamay go’aamadaas lagu shaaciyey xubnaha golaha dhexe iyo guddiga Fulinta.

Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan Ku xigeenkiisa koowaad, Xoghayaha Guud ee KULMIYE iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta xisbigaasi waxay ku sheegeen inaanay aqbalaynin oo ay sharci darro tahay liisaskii Guddida fulinta Iyo Golaha dhexe ee ay xalay shaaciyeen Guddigii shirweynihii saddexaad.

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa  sharci darro ku tilmaamay liisaska golaha dhexe iyo guddida fulinta ee ay soo saareen shir-gudoonkii shirweynihii saddexaad. Waxaanu xusay inuu isagu xaq u leeyahay inuu magacaabo Guddida fulinta.

Guddoomiye Muuse waxa uu ku dooday in shaqada shirgudoonkii  shirweynuhu aanay wax shaqo ah ku lahayn shaacinta Golaha dhexe iyo Guddida fulinta xisbiga.

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay sharciga lala tiigsan doono 7-dii xubnood ee shirgudoonka shirweynihii saddexaad ee xisbiga oo sida uu ku dooday ku tallaabsaday shaqo sharci darro ah oo aanay jirin cid u igmatay.

Sidoo kale waxa iyaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay oo si adag u cambaareeyay go’aankii shirgudoonkii shirweynaha Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiyihii Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac ismaaciil Cigge (Shabeel) oo isagu si ku meel gaadh ah u sii haya xilka gudoomiyenimadda golaha dhexe maadaama oo aan wali la dooran gudoomiyihii Golaha dhexe.

Hadalka ka soo baxay hoggaanka Xisbiga Kulmiye, ayaa soo noolaynaya khilaaf huursanaa oo ka dhexjiray xisbiga gudihiisa iyo wada-shaqayntii ka dhaxaysay Xukuumadda oo loo aanaynayo inay maroorsatay shaqadii Xisbigu lahaa.

SOMALILANDPOST.NET

 

Â