Dawlada Siiriya oo Mar Qudha dishay 175 dagaalyahan

Siiriya(SLPOST)Dowlada Siiriya ayaa sheegtay in ay hal weerar ku dishay 175 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al Nusrah.

Siiriya_dilka

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Bari ee Quta ee duleedka magaalada Dimishiq, halkaasi oo ay jidgooyo u dhigeen kolonyo ciidamada Al Nusra ah.

Ciidamada Dowlada Siiriya ayaa wadada ugu xiray miinooyin badan isla markaana la sugay intay goobta imaanayeen boqolaal dagaalyahanada ah oo xiligaasi lugeenayey.

Qaraxyada halkaasi ka dhacay ayey ku xigeen rasaas xoogleh oo lala beegsaday dagaalyahanadaasi oo u muuqday kuwo aan la socon shirqoolka loo dhigay.

Dowlada Siiriya ayaa telefishinkeeda ka shaacisay weerarkaasi, iyadoo ku tilmaamtay guul weyn.

Kooxaha Mucaaridka ayaa sheegay in dagaalyahanada la dilay ay galbinayeen dad rayid ah oo doonayey inay ka baxaan xaafadihii ay ku go’adoonsanayeen, qaarkoodna loo waday isbitaal markii weerarka lagu qaaday.

Waxayna mucaaridka Siiriya sheegeen in weerarkan ay fuliyeen kooxda Xisbullah ee gacanta siineysa ciidamada Bashaar Al Assad.

Waa markii ugu horeysay oo tiro intaas la eg halmar laga dilo kooxaha ka dagaalama dalka Siiriya.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Office/Somaliland