Is-moodsiiska Galaaftay Siyaasadda Masar (Qaybtii 9aad) – Colaadda Biyaha Niil-ka (Nile) Iyo Saamaynta Geeska Afrika – ( Baadhitaan Saxaafadeed) Xog-Ururin – Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Is-moodsiiska Galaaftay Siyaasadda Masar

Taladii Masar waxaa ay dib ugu soo laabtay haraadiga maamulkii Husni Mubarak. Ciidamadu muddo lixdan sannadood ah ayay ku amar-ku-taaglaynayeen dalka. Isla markaa, ciidanku waxaa ay hibanayeen sannad keli ah oo ay  ka maqnaayeen xukunka. Sidaa awgeed, waxaa ay dan moodeen inay inqilaab ku muquuniyaan xukuumaddii la soo doortay ee Xisbiga Xoriyadda iyo Cadaaladda oo ah garabka siyaasadeed ee Ikhwaan Al Muslimiin. Ciidanku waxay taangiyo gaashaaman ku soo gelbiyeen taliskii Mubarak iyo murashaxiintii uu Mohamed Morsi dhowaan kaga adkaaday doorashada.  Waxaa xukunkii u gacan galay isbahaysi ku midoobay nacaybka ururka Ikhwaan Al Muslimiin.

Durba waxaa ay xabsiga ka sii daayeen Husni Mubarak ka dib markii ay jeelka u taxaabeen Mohamed Morsi, Madaxweynahii ugu horreeyay oo si xor iyo xalaal ah looga soo doortay Masar. Sii daynta Mubarak waxaa ka mahad celiyay qareenkiisa kaasoo ku af-gobaadsaday, “Abdilfatah Al Sisi waxaa uu guday abaalkii uu ku lahaa Mubarak oo isagu ku taxay derajada janannimo ee uu maanta xidhan yahay.” Ogow Al Sisi waa ninka dalka inqilaabay.

 Xukuumadda cusub waxaa ka mid ah 20 wasiir oo hore uga tirsanaa maamulkii Mubarak. Isla markaana, si loo sii xaqiijiyo soo noqoshada talada ciidanka, 13kii  August waxaa 19 janan loo soo magacaabay inay badhasaabbo ka noqdaan 19 gobol. Guud ahaan 25 gobol ayaa ka jira dalka.

­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­xasan-cumar-hooriHaddaba, muddo 30 bilood ah, ama tan iyo markii uu dhacay Husni Mubarak, waxaa dalku ku jiray jiha-wareer siyaasadeed iyo is-moodsiis galaaftay xasiloonidii dalka. Madaxweyne Husni Mubaarik waxaa uu dhacay markii uu is-moodsiiyay inuu ka badbaadi karo kacdoonka shacabka. Isaga oo ka gilgilanayay inuu talada ka dhaco waxaa uu xal ka raadiyay inuu kala diro xukuumadda, inuu shacabka raalli geliyo iyo inuu kolba u magacaabo ciddii uu bido inay soo jiidan karaan maanka iyo quluubta shacabka. Ugu danbayntii waxaa uu holliyay inuu ciidanka adeegsado. Hase ahaatee, abuurkii uu muddo 30 sannadood ah ku tallaalayay dalka waxaa xididada loogu siibay kacdoon nafta loo huray 18 maalmood gudaheed.

Isla markii uu dhacay Mubarak, si ku-meel-gaadh ah, waxaa dalka majaraha u qabtay Janaraal Dandaawi, hoggaamiyahii Golahii Sare ee Ciidanka,  Jananka oo awood faro badan ku lahaa ciidanka iyo guud ahaan siyaasadda dalka waxaa uu isaguna is-moodsiiyay inuu talada dib ugu soo celin karo ciidamada. Ciidanku waxaa ay Jagada madaxweyne u soo sharraxeen Ra’iisal Wasaarahii ugu danbeeyay ee Husni Mubarak, Ahmed Shafiq marna ahaa janankii u talin jiray ciidanka cirka. Hase ahaatee, hankii ciidamada waxaa adhaxda ka jebiyay Ikhwaan Al Muslimiin oo kaga guulaystay xilkii Madaxweyne iyo golayaashii qaran.

Madaxweynahii la doortay, Mohamed Morsi, ayaa isaguna is-moodsiiyay inay doorashadu awood u  siinayso in xisbigiisu keli ku ahaado talada. Morsi ma uu dhaadin inuu tiro daleel ah iyo inuu 1%  kaga guulaystay ninkii uu la tartamayay oo ka soo jeeday maamulkii la tuuray. Ayaan xumo, halkii uu ka dadar gelin lahaa dib-u-heshiisiin iyo inuu soo dhiso xukuumad loo dhan yahay, taladii ummadda waxaa uu u dabo-fadhiistay ururkiisa, Ikhwaan Al Muslimiin.

Dibad-baxyo laxaad leh oo dalka laga oogay 30kii  June, Madaxweyne Morsi waxaa uu moodayay “Hal Bacaad Lagu Lisay” iyo inay yahiin bannaan-baxyo sharci-darro ah. Waxaa uu is-moodsiiyay in uu si fudud ku  maarayn doono tabashada shacabka. Waxaa kale ee uu moodayay inuu taageero ka heli doono ciidamada ka dib markii uu u jideeyay in aan ciidamada loo raaci doonin eedahii ay hore u gaysteen iyo weliba inay gacanta ku sii hayaan ilaha dhaqaale ee dalka oo ay, inteeda badan, hore u mulkiyeen. Waxaa kale oo uu moodayay inuu ka takhalusay Janaraal Dandaawi oo muddo dheer soo xukumayay ciidanka. Isla markaa, waxaa uu moodayay inuu hoggaanka ciidanka u dhiibtay janan isaga daacad u ah, Janaraal Al Sisi oo ah ninka hadda afgembiyay.

Si la mid ah, xilligan lagu jiro, waxaa ay u eeg tahay inay ciidamadu laftooda is-moodsiiyeen inay talada ku sii hanan karaan xoog iyo qoriga caaradiisa. Waxaa ay moodayeen magacaabista haraadiga maamulkii Mubarak, cabudhinta warbaahinta iyo cagta oo ay mariyaan Ikhwaanka inay daaqadda ka saari doonto taageerayaasha xukuumaddii ay afgembiyeen.

Hase yeeshee, dhaqankii ciidanku waxaa uu kala diray kooxahii isu bahaystay colaadda Morsi. Gaashaan-buurta “karbaash” oo ay ku midoobeen ciidamada mileteriga, ciidamada booliska, haraadiga maamulkii Mubarak, Xisbiga Al-Nuur ee xag-jirka ah, xisbiyadii mucaaradka ee ku dhacay doorashooyinka iyo shacabka tabaalaysan ayaan sii waari karin. Ma jirto aragti iyo mabaa’di ay kooxahaasi ku sii midaysnaan karaan aan ka ahayn nacaybka iyo xukun ka tuurista Ikhwaan Al Muslimiin. Balse isma ay weydiin sida ay ku sii wada joogi karaan mar haddii ay ka takhaluseen Morsi.

Durbaba Xisbiga  Al-Nuur waxaa uu ka xadhig furtay is-bahaysiga “karbaash” ama “maryo alool” ka dib markii, 8dii  July, ciidamadu si toos ah rasaas oodda ugaga qaadeen taageerayaasha Madaxweynahii la afgembiyay oo si nabad ah ugu soo ban-baxay fagaaraha Talsika Ciidanka. Shilkaa waxaa ku qudh-baxay 53 qof, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 300.

Sidoo kale, xisbiyadii mucaaradka ayaa hadda ka dayrinaya fal-xumooyinka ciidamada qalabka sida. 14kii August, magaalada Qaahira, ciidamadu waxaa ay weerar bahalnimo ku qaadeen labo goobood oo fadhiisin u ahaa dibad-baxayada nabadeed ee Ikhwaanka. Misaajidka Raabic Al-Cadawiye iyo Fagaaraha Al Nahda waxaa ka dhacay falal loo arkay inay dhan ka yahiin dadnimada, denbiyo dagaal, xasuuq iyo ku xad-gudub xuquuqda aadami. Ilaa 2500 ayaa lagu sheegay tirada dadka ku geeriyooday labadaa goobood. Waxaana ku dhaawacmay tobonaan kun oo kale.

Mar kale, 16kii August ciidamadu waxaa ay ikhwaanka ku galeen Misaajidka Al Ramsis ee ku yaalla caasimadda Qaahira.  Halkaasna waxaa ay ku dileen 172 qof. Gabbood-falka isa soo taraya waxaa ka dhashay canbaarayn heer caalami ah oo loo soo jeediyay taliska ciidanka. Dhinaca kalena waxaa ay si weyn u sii wiiqeen is-bahaysigii “karbaash” ee ciidamadu ku sharciyaysteen afgembiga.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hubaal ah inay xabbaddu dadka disho. Hase ahaatee, xabaddu awood u ma laha inay disho niyadda, fikirka iyo mabaadiida dadku aaminsan yahiin. Xeeladaha socdo ee taliska Al Sisi uu ku damacsan yahay inuu ku tirtiro ururka Ikhwaan Al Muslimiin ayaan ahayn arrin ku cusb Masar. Muddo lixdan sannadood ah waxaa ciidamadu gacan bir ah ku cadaadinayeen Ikhwaanka. Arrintaa waxaa soo eeday raggii hore dalka u soo xukumayay. Madaxweynayaasha Jamal Abdinasir, Anwar Al- Sadat iyo Husni Mubaarka oo ka soo jeeday ciidamada ayaa ka soo quustay inay aamusiyaan ama tirtiraan aragtida Ikhwaanka ooh ore loogu soo dayay wax kasta oo lagu bahdili karo Bani aadanka. Waxaa la hubaa Al Sisi, isaguna inuu ku hungoobi doono siyaasadahii macalimiinta iyo jananadii soo barbaariyay.

Durbaba waxaa is-casilay xubno door ah oo ku cindanaa inqilaabka sida Mohammed ElBaradei, Madaxweyne ku xigeenkii hormoodka ka ahaa in ciidamadu la wareegaan talada dalka. Waxaa mawqifkiisii dib uga gurtay Shiikha Al Azhar oo markii hore taageeray inqilaabka. Ururka Al-Tamarud ee qabanqaabiyay dibad-baxyadii lagu riday Mohamed Morsi ayaa iyaguna, intooda badan, dib u liqeen candhuufada markii ay arkeen soo noqoshada maamulkii Mubarak, dilka, xasuuqa iyo xadhiga lagu la kacay shacabka aan hubaysnayn.

Inkastoo gefaf badan loo tirinayo Mohamed Morsi, waxaa hubaal ah khaladaadka loo aanaynayo in lagu sixi lahaa sanduuqa doorashada oo ah halkii uu ka soo galay talada dalka. Morsi maalmo ka hor intii aan la inqilaabin, waxaa uu ku baaqay in 60 maalmood lagu qabto doorashooyinka xeer-dejinta taasoo shacabku si nabad ah ugu aarsan karayeen sanduuqa codka.

Haddaba innaga oo dib ugu noqonayna dulucda taxanaha, waxaa gebogebo ah colaaddii Biyaha Niil-ka sida uu gebogebo u yahay taxanaha qormooyinka Colaadda Biyaha Niil-ka. Dhacdooyinka ka aloosan Masar waxaa ay meesha ka saareen colaaddii iyo haba yaraatee cabsidii laga qabay fal-celin ku aadan Ethiopia oo ka timaado dhinaca Masar. Colaaddu waxaa ay daarraneed markii ay soo shaac baxday in Ethiopia laga dhisayso biyo-xidheen lagu qiimeeyay inuu ku kaco lacag dhan $4.200 milyan oo dollar. Biya-xidheenka (Ethiopian Renaissance Dam) oo dhismahiisa gacanta lagu hayo waxaa uu noqon doonaa kan ugu weyn qaaradda Afrika. Waxaana uu dhalin doonaa dab lagu qiyaasay ilaa 6,000 megawatt iyadoo la filayo in uu hirgali doono sannadka soo fool leh, 2014.

Masar oo ah dalka ugu dadka badan, Bariga Dhexe, (ilaa 85 malyuun) waxaa noloshoodu ku tiirsan tahay  webiga Niilka. Waxaa ay ku taamayaan heshiis, 1929, uu u jideeyay gumaystahii Hingiriisku si ay Biyaha Niil-ka uga helaan saami dhan 55,500 milyan metre saddex laaban. Suudaan iyana waxaa u qoondaysnaa 18,500 metre saddex laaban.Heshiiska waxaa labada dal dib u cusboonaysiiyeen 1959. Run ahaantii, heshiisku waxaa uu duudsiyay sagaal dal oo uu ka soo rogmado ama uu soo dhex jibaaxo webiga Niil-ku oo dhererkiisu dhan yahay 6,700km (4,160-mile).

Masar waxaa ay soo dejisaa sareenka ugu tiro badan dunida. Sannad kasta, waxaa laga cunaa in ka badan 18 malyuun oo ton. Weliba, xukuumaddu waxaa ay sannad walba ku kabtaa lacag ka badan US $2,000 malyuun oo dollarka Maraykanka ah.  Haddaba, dadka oo boqolkiiba lixdan (60%) ah danayar waxaa noloshoodu ku tiirsan tahay ceeshka jaban ee laga farsameeyo sareenka.

Sidaa darteed, xukuumadda Masar waxaa ay ka cabanaysaa qodaalka Itoobiya iyo Suudaan oo hadda gacanta ku haya 75% ilaha uu ka soo burqado kuna faafo webiga Niil-ku. Masar waxaa hadda ka taagan kacdoon aan weli sal-dhiggan. Waxaa cidhiidhi sii galay sidii miiska cuntada loo soo saari lahaa ceeshka. Ogow, haddii ceeshka la waayo waxaa hubaal ah in la waayi doono Masar, dawlad iyo dadba.

Xeeldheerayaashu waxaa ay sii malo-awaalayaan dalku inuu dhowaan ku hafan doono xal u raadinta baahida ku soo fool leh taasoo horseedi doonta macaluul baahsan. Dhowaan dalalka Khaliijku waxaa ay la soo gurmadaan lacag ka badan US $15 bilyan si ay uga dhigaan dhiig-joojin burburka dhaqaale ee dalku ku sugan yahay. Inkastoo deeqda dalaka gacanku ay aad u mug weyn tahay haddana waxaa lagu tilmaamay inay tahay foosto biyo ah oo ku dhacday Webiga Niil-ka.

Gunaanadka taxanaha qormooyinkan waxaan ku eegi doonnaa xidhiidhka Somaaliland iyo Ethiopia,  kaalinta looga baahan yahay xukuumadda Somaaliland inay uga faa’iidaysato xidhiidhka labada dal iyo xilka Ethiopia ka saran Aqoonsiga Somaaliland waxaad berri, Arbaca, 19ka August ka akhrin doontaa qaybta 10aad ee Colaadda Biyaha Niilka iyo Saamaynta geeska Afrika.

 

Xassan Cumar Hoorri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh horri@somalilandsun.com ama ku tixraac @horrimania