Hankaa laga dhoofiyaa! – Qalinkii: Barkhad M. Kaariye

kaariyeSaddex wiil iyo gabadh dhalinyaro ah ayay ahaayeen. Meel waddo dhinaceed ah ayay u taagnaayeen si wareeg ah oo u muuqatay inay xog kala qaadanayaan. Aniga oo ag-maraya, ayay dhegahaygu maqleen ereyo sababay in aan dib ugu noqdo; “Iska joog, anagaa ku geynayna xerada laga baxo’e,” ayuu mid ka mid ahi leeyahay markaa. Waxa maankayga ku soo dhacay in uu ka hadlayo tahriib, balse ma garanayn cidda uu la hadlayo. Dib baan ugu noqday oo dhankoodii ayaan u dhaqaaqay. Intii aan u sii socday, ayaan halacsaday wejiyadooda, mise midkood ayaaban weji-garanayaa, balse aanan magic-dhebi karin. Markii aan gaadhay, ayaan salaamay, waana markaan ogaaday in inanku uu la hadlayay inanta oo uu ku qancinayay in ay tahriibkeeda sii wadato.

Waa mid ka mid ah magaalooyinka saldhigga u ah shabakadaha tahriibiya dadka ee mandaqadda geeska Afrika. Markaan salaamay, ayay warkoodii gaabsadeen oo igu eegeen indho didsan. Inankii aan weji-garanayay, ayaa isaguna I gartay, markaas buu si wacan salaantii iiga qaaday. “Iga raalli ahaada, waxaan filayaa in aad ka mid tihiin dhalinyarada danaha u jooga halkan?” ayaan si aan kalsooni badan lahayn u waydiiyay. “Haa, oo arday baanu nahay halkan wax ka barta,” ayuu iigu jawaabay mid ka mid ahi. Waanse ka war qabaa in af-gobaadsi iyo ku-gabbasho ay tahay waxbarashadu, sababtoo ah, hore ayaan ula kulmay dhalinyaro facooda ah oo isla magaaladan ka tahriibayay, kuwaas oo hore iigu sheegtay inay arday yihiin. “Kollay qaar tahriib ahina way idinku jiraan!” ayaan u idhi si kaftan ku jiro. Markaas ayuu wiilkii aanu is-weji garanaynay yidhi, “Haa, dabcan way nagu jiraan!.”

Waxaan isku dayay in uun inaan hogo-tusaaleeyo oo aan xusuusiyo dhibta ay iyaguba og yihiin ee tahriibta, “Saldhigyadan tahriibka iyo istaanka ay ka baxaan tahriibayaashu markaad joogtaan, waxa laydiin sheegayaa in wax waliba dhaw yihiin oo ay sahlan yihiin, balse dhibtu intaa ka mug weyn ee miyaad dalkeena aamintaan,” ayaan ku idhi. Inta uu si kalsooni leh u faadhumaystay, ayuu yidhi, “Waar halkan dadkaa laga dhoofiyaa, balse dalkan aad noo sheegayso hankaa laga dhoofiyaa!” Waan fahmi waayay macnihiisa, dabadeed waraysi toos ah ayaaban la galay markaan arkay in uu diyaar u yahay in uu hadlo.

BMK: Saaxiib horta magacaa?

Rejo-doon (RD): Magacaygu waa rejo-doon.

S: Maxaad uga jeeddaa hankaa laga dhoofiyaa?

RD: Waxaan uga jeedaa, waxa dalkeena ku yaalla dekedo iyo istaanno laga dhoofiyo hanka iyo rejada dhalinyarada iyo muwaadinka. Intayada halkan taagan imika, mid walba oo naga mid ah waxa Yurub kaga sii horreeya oo uu u socdaa hankiisii! Anigu waan xusuustaa maalintii HANKAYGA LA DHOOFIYAY! Waxay ahayd; aniga oo jaamacad dhammeeyay oo aan waligay dalka dhinac uga bixin, maalintaan rejo helay ee aan is-idhi imika ayaad shaqo gelaysaa ee xilkii ugu yaraa la siiyay qof dibedda iyo qurbaha ka yimi. Wasiir ma rabin, ku-xigeen ma rabin, xildhibaan ma rabin, agaasime guud ma rabin. Waxa kaliya ee aan rabay waxay ahayd urur dhalinyaro oo aanu hal-abuurnay in la gacan-qabto oo curinta aanu la nimid ugu yaraan nalagu dhiirigeliyo, tiina ma dhicin. Xitaa agaasime-waaxeedkii u hooseeyay ee hay’adaha dawladda waxa la siiyay qurba-joog intooda badan. Badankoodu nagama aqoon badna ee waxa ugu wayn ee loo door-bidayaana waa inay weftiyada raaci karaan oo ay baasaboor ajnebi haystaan! Imika, intayadan mid walba hankiisu wuxuu joogaa oo uu kaga sii horreeyaa dal gaar ah; aniga wuxuu joogaa Ingiriiska, inankan wuxuu joogaa Iswiidhan, inankan kale wuxuu joogaa Noorway, inantan nala taagan ayaa ugu dambaysay oo wuxuu kaga sii horreeyaa Holan. Markaa, hankaa lagu dhoofshaa halkaase, ma dembi baanu leenahay?

BMK: Laakiin, soo ma ogid in shaqo la qabtaa aanay kaliya ku koobnayn xafiis la fadhiisto iyo dawlad loo shaqo tago oo dalkiina aad taageero dawladeed la’aanteed wax qabsan kartaan?

RD: Waa rejadii aanu qabnay, balse taasna waa la dhoofshay. Waliba waan xusuustaa istaankii ay ka soo baxday iyo dekeddii aan ku sii sagootiyay, waxay ahayd markii masuulkii aan xilka u dirtay uu yidhi; dad kibray ayaa tahriiba ee baahi ma hayso dadka tahriibaya! Waxa ka sii daran markii wax walba la igu yidhi; dal la aqoonsan yahay ma nihin oo taagteena ayaa iska yar, markaas ayay rejadaasi hortay tahriibtay.

BMK: Mase ogtahay in adiga oo aqoontii ahi markaad tahriibto, in garan-waa iyo aqoon-laawe uu ku bedelayo oo uu dalka u hadhayo?

RD: Haa waan ogahay, balse kaas waan ka dhacsan karaa markaan baasaboor soo qaato, waa haddii aan nabad-galo’e. Bal u fiirso, dhawaan waxa madaxweynaheenu magacaabay guddi la yidhi waxay ka hortagayaan oo ay wax ka qabanayaan tahriibka, waxa ku jira qaarkood qurbe-joog ah oo baasaboorro ajnebi haysta. Sidee buu aniga iyo inta ila aragtida ah uu ugu qancin karaa ha tahriibin qof isaguba baasaboor ajaanib haystaa? Adigaan ku waydiinayaa, ee sidee buu ii qancin karaa qofka guddidan ku jira ee shalay I lahaa dad kibray oo dhaqaale haysta ayaa tahriibaya? Sidee buu dhibta u xallin karaa qof aananu isku aragtiba ka ahayn dhibta aan ka tahriibayo, haba yaraato’e? II jawaab saaxiib adigaan ku waydiiyee?

BMK: Saaxiib waan dareemi karaa dhibta kale ee jirta, balse waxa laguu garaabi karaa markaad soo negaaddo ee aad dooddaas dalkaaga gudihiisa ka dhiibato. Xal kuma jiro in aad tahriibto, qofka masuulka ah ee sidaas u hadlay ama aad u aragto in aydaan isku dan ahayn, shalay wuxuu yimi adiga oo jooga, berrina adiga oo jooga ayuu tegayaa. Balse adigu naftaada ha halaagin.

Waraysigii intaas iyo kaftan guud ayaanu ku soo afmeernay, waxaana ii soo baxday in dhalinyaradan iyo inta la aragtida ah ee tahriibayaa ay yihiin dad isla raadinaya HED IYO HAN waa hore iswaayay oo kala hor-dhoofay. Balse, xalku kuma jiro in la tahriibo, naftana la halligo. Waalidkana waxa la gudboon in ubadkooda ay ka caawiyaan sidii ay ugu qanci lahaayeen dalkooda.

 

 

Barkhad M. Kaariye

Email: kaariye104@gmail.com

Web: www.kaariye.blogspot.com