IRAN: Madaxweyne Ahmadinejad oo Ka Badbaaday shil- diyaaradeed

AhmadinejadTehran (SLpost)- Madaxweynaha dalka Iran, Mahmoud Ahmadinejad, ayaa shalay ka badbaaday shil diyaaradeed oo ku socdaalayey, taas si khasab ah loo fadhiisiyey.

Duuliyahii diyaarada ayaa awoodday inuu si nabadgelyo u fadhiisiyo ka dib markii shil aan la faahfaahin uu kala kulmay buuraha Woqooyi ee dalkaa oo madaxweyne Axmedinajad ka furayey mashaariic horumarineed.

Madaxweyne Ahmadinejad iyo wefdi la socday ayaa la sheegay in dhamaantood dhaawac la’aan uga baxeen diyaaradaa, sida wakaalada wararka ee dalka Iran sheegtay, waxaanay Xukuumadda Tehran ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan sababta keentay shilka wakhti  madaxweynahu ku sii jeeday furitaanka wado cusub oo laga hirgeliyey dhulka buuraleyda ah ee Woqooyiga Dalkaas.

“Awooda Alle, madaxweynaha iyo wefdigii la socday iyagoo bedqaba ayey ka baxeen,” sidaa waxa yidhi afhayeen u hadlay dawladda. “Madaxweynaha Iran waxa uu furay mashruucii, ka dibna gaadhi ayuu soo raacay ku soo laabashadiisa caasimadda Tehran.”

Madaxweyne Ahmednajad oo hore u sheegay in dhacdadii 9/11 Maraykanku sameeyey si uu sabab uga dhigto dagaal uu ka bilaabo Bariga Dhexe, ayaa la filayaa inuu xilka ka fadhiisto bisha dambe, ka dib muddo  Siddeed sanno ah oo uu xukunka dalka Iran hayey.

Siddded musharax ayaa u tartamaya beddelaadiisa doorashada bisha July ka dhacaysa dalkaas, laakiin waxa kursiga ku fadhiisan doona keliya ninkii ay aqbalaan Golaha Sare.

Somalilandpost.net