2016-2017: Gu’yaalkii Beer-caddaadka Mise Biyo-ballaadhinta Hargeysa?. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

siciid maxamuudGurigayagu waxa uu hal iyo badh kiiloo mitir dhanka bari ka xigaa faras-magaalaha Hargeysa. Weligay ma raacin gaadiidka dadweynaha (baska) waayo marka aan laamida istaago waxa ii muuqda gawaadhidii u baxayay xaafadda aan deggenahay ee New Hargeysa. Waxa aan deris dhow la ahay Xarunta Dawladda Hoose.

Tan iyo gu’gii 2011ka waxa ay xukuumadda Somaliland nagu sabi jirtay in sannadka 2016ka la heli doono biyo wada gaadha Hargeysa, waxa uu xilli-tirsigani noqday kii uu harraadku nagu toban laabmay. Xilliyada qaar waa aanu illawnay oo gebi ahaanna naga go’ay biyaha qasabadda, waxaana noo dhaamin jirtay booyad. Waayo ma helno biyo awood leh oo guriga soo geli kara.

Laga bilaabo 2016ka waxa lagama maarmaan noqotay in aanu hogag ka qodno guryaha hortooda si aanu udinniiqsanno biyo maraya joog dhulka ka hooseeya hal mitir. Godadkaas ayaanu galnaa oo aanu ka dhaansannaa afartii habeenba habeen keliya. Waxa aanu ka seexannaa waaberiga sida aanu jirikaannada iyo foostooyinka biyo ugu shubaynno. Aqal walba waxa ka hor qodan bohol loo arooro.

Godadka dhaadheer waxa aanu la galnaa jabcad lagu dhuro disdi ama baaldi, sida aanu weelkaas u qulaaminaynno ayaanu marka dambena foostooyinka hadba wax ku shubnaa. Waa kacaa-fadhiisi, waa kadeed, waa dani ku badday, waana dibindaabyo sii korodhay. Waxa aanu agabka biyo-keydinta soo dhignay meel u dhow irridka dibadda ee guriga, si aanu hadba ula soo gaadhi karo dhawrka galaan ee ay qasabaddu dhiiqdo/dhibicdo.

Marka aanu rawaxaynno waxa aanu godka ku daboolnaa ood, si aanay dadka iyo duunyadu ugu dhicin oo aanay dibindaabyo uga dhalannin. Aniga waxa iga sii daran kuwa aanay tobannaanka sanno u soo dhicin biyuhu ee ka xanaaqa magaca wakaaladda biyaha oo ku kala nool daafaha magaalada.

Sidoo kale, degaanka Hargeysa inta ay biyo-gelintu gaadhay waxa ka badan inta aanay biyo-gelintuba gaadhin, ee keliya guryahooda ku dhisay qasabado ay rejaynayaan in mustaqbalka fog ay mar uun biyuhu u soo maraan. Xaafado dhan oo magaalada ah waxa u taliya labada nin ee darawaliinta u ah labada booyadood ee biyaha u dhaamiya. Haddii ay shaqadooda hakad geliyaanna mooyi si xaalku noqonayo.

Inta mashruuc keliya “Waddada Berbera” la odhanayo waxa maal-gelinaya Dawladaha deriska, DP World ama Imaaraadka Saldhigga Berbera laga siiyay, miyaanay biyaha caasimaddu dib u eegis u baahnayn? Weligay tuush kuma maydhan, waanan necebahay tuushka ay biyuhu xagga sare ka yimaaddaan. In aan gacanna biyaha ku qaado, midna ku qubaysto ayay biyo-la’aantu i bartay.

Xukuumaddu iyada ayaa hore inoogu sheegtay in ay biyo-ballaadhinta Hargeysa maal-gelinayaan Midawga Yurub, mar kalena waxa la hadal-hayn jiray in dawladaha Carbeed ay qaadhaan ku bixiyeen oontirka ummadda uu yoongahaarku barriinsaday. Lama oga xilli loo aayi doono ballan-qaadkaas aanu ku dhego-barjawnay gu’yaalka.

Biyo! Biyo! Biyo! Biyo! Biyo!

 

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Hargeysa